Golaha Guurtida Oo Weli Ku Dhegan Go’aankii Muddo Kordhinta

0
469

Picture1

Hargeysa(Geeska)-Golaha guurtida Somaliland, ayaa ku adkaystay inaan laga noqon doonin go’aankoodii muddo kordhinta Madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho) oo ah afhayeenka guurtida oo shalay u waramay weriye Axmed Siciid Cige oo BBC ka tirsan ayaa yidhi

“Go’aankii golaha guurtidu gaadhay May 2015, ee ahaa muddo kordhintu sidiisii weeye, wax isbedel ah oo ka yimidna ma jirto. Wuxuu ahaa go’aan sharci ah, wakhtigaas aanu qabanay bil ka horna waxaa la qaban doonaa doorashada si aan dalku dawlad la’aan ugu dhicin, wax isbedel ah oo golaha ka yimidna ma jiro, anagana waxaa naga dardaaran ah maanta laba bilood baa hadal lagu jiray,waxay ahayd in hawl badan la qabto, diwaangalintii may bilaabin, asxaabta hawlihii aanu kala hadalnay ee ahaa inay gobolada ku faafiyaan kama muuqato” ayuu yidhi Afhayeenka Guurtida Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho.

Afhayeenka Guurtida waxa uu sheegay inaanu jirin sharciyad uu ku salaysan yahay heshiiska Asxaabta iyo xukumaddu, isagoo ku dooday inaanu ahayn go’aan dib loo eegi karo muddo kordhinta Guurtidu.

Hadalka Afhayeenka ayaa imanaya iyadoo mucaaradku ku doodayo in xukumaddu ka baxday heshiiskii islamarkaana aanay xil iska saarin hirgalintiisa, halka xukumaddu ku doodayso inay heshiiska ayidsan tahay balse hawsha ku qancinta guurtidu tahay xil wada saaran mucaarad iyo xukumad ba.

Muranka wali taagan ayaa caqabad ku ah hawl qabadka komishanka doorashooyinka oo wakhtiga la cayimo ku salayn lahaa jadwalkooda balse ilaa hadda aan hayn wakhti la isku raacsan yahay, waxaana la rumaysan yahay inay dib u riixi doonto bilawga diwaangalinta iyo hawlaha kale ee doorashada ka hor la qaban lahaa.