Soonka Iyo Sixada (7): Faa’idooyinka Soonku U Leeyahay Wadnaha, Beerka, Ka Hortagga Kansarka Iyo Gabowga

0
563

Washington (Geeska)- Cilmibaadhiso tiro badan oo marar kala duwan lagu sameeyey xidhiidhka ka dhaxayn kara soonka iyo caafimaadka ayaa isuga marag kacay in soonku hoos u dhigo khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xanuunnada aan laga bogsan sida macaanka iyo xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Xeeldheerayaal caafimaad oo u kuur galay arrintan ayaa sheegay in soonku uu kor u qaado jawaab-celinta unugyada jidhku siinayaan hormoonka Insulin, taas oo xoojinaysa daraasad iyaduna hore u daahfurtay suurtogalnimada in soonku uu ka qayb qaato yaraynta in qofka uu ku dhaco cudurka macaanku.

Cilmibadhis natiijadeeda lagu qoray joornaalka Journal of Animal Science ee ka soo baxa dalka Maraykanka oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Aljazeera ayaa lagu caddeeyey in soonku uu kor u qaado waxtarka iyo habsami u shaqaynta hormoon ka qayb qaata nidaamka isticmaalka jidhka ee sonkorta Glucose iyo in asiidh-dufaneedka uu u beddelo hab uu jidhku uga faa’idaysan karo, iyo weliba in uu kor u qaado habka uu jidhku ula jaanqaadayo ugana jawaabayo hormoonka Insulin oo ah kan isagu nidaamiye dhismaha iyo burburinta Glucose ta jidhka ku jirta.

Cilmibaadhis kale oo ay diyaariyeen khubaro ku xeeldheer nafaqada oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa tijaabo iyo baadhis ay ku samaysay dad bil ramadaan soomay, kadib waxa ay shaaca ka qaadday in isbeddelka waqtiyada cuntada la cuno iyo weliba cuntadii oo xilliga Ramadaanka laba waqti ku soo ururtaa ay caawiyaan in ay kor u kacdo heerka uu jidhku kula shaqaynayo hormoonka Insulin, gaar ahaan dadka  khatarta u ah in uu ku dhaco cudurka macaanku.

– Caafimaadka wadnaha: Waxa ay daraasadahani daahfureen in soonku uu u fiican yahay caafimaadka wadnaha iyo xididdada dhiigga, sidoo kale soonku waxa uu hoos u dhigaa dufanka saddexan oo haddii ay jidhka ku ururaan keena wadne xanuunka.

– Burooyinka kansarka ah: cilmibaadhiso caafimaad ayaa xaqiijiyey in soonku si muuqata kor ugu qaado awoodda uu jidhku u leeyahay in uu iska caabiyo unugyada kansar. Khubarada caafimaadka ee daraasadahan sameeyey ayaa tijaabooyin iyo shaybaadho kadib xaqiiqjiyey in soonku uu yareeyo soo bixidda burooyinka, gaar ahaan burooyinka ka soo baxa hab-dhiska dheefshiidka oo ah kansarka lagu magacaabo Lymphoma.

– Beer Xanuunka: Daraasado kale ayaa iyaguna caddeeyey in soonku uu kor u qaado awoodda uu qofku u leeyahay in uu isagaga caabbiyo beer xanuunka, gaar ahaan dadka xanuunku ka hayo unugyada beerka ee looga cabsi qabo in uu kansar isu beddelo.

Gabowga: Faa’idooyinka soonku kuma koobna la dagaalanka xanuunnadan aynu soo xusnay oo keliya, balse waxa kale oo uu si weyn u dib dhigaa gabowga gu’ kasta oo qofka waayeelka ah u kordha saamaynta taban ku yeesha maskaxda, tusaale soonku waxa uu ka hortagaa gabowga ku yimaadda unugyada maskaxda xaaladaha ka dhasha oo uu ka mid yahay cudurka Alzheimer’s ee maskaxda burburiya iyo guud ahaan xanuunnada xusuusta dila ee asaasaqa keena.

Ugu dambayntiina cilmibaadhis uu sameeyey maxadka cilmibaadhista gabowga ee Maraykanka (National Institute on Aging (NIA)) ayaa caddaysay rsoonku uu dib u riixo gabowga ku dhaca unugyada maskaxda.