Arrimo Dhalinyaronimada Lagu Dayaco Oo Waayeelnimada Laga Qoomamoodo (Q:4aad)

0
554

Hargeysa (Geeska)- Waa  Qaybtii afaraad ee qormadii uu Geeska Afrika ku eegayey dhowr arrimood oo ah kuwa ugu badan ee uu qofku dayaco inta uu awoodda u leeyahay, xilliga gabowgana uu ka qoomamoodo in aanu sidii saxda ahayn u gelin.

10. In aad ka murugooto taladii aad ka dhego adaygtay: Nin walba qumanihiisa qoorta loo sudhay; Waa hal-ku-dheg Soomaaliyeed oo xikmad badani ku duugan tahay, waxaa run ah in qof kastaa uu aaminsan yahay in waxa uu falayo ama go’aanka uu qaatay yahay ka saxda ah, iyo in fikirkiisu uu yahay ka toosan ee ay tahay in la qaato iyada oo aan dood iyo wada xaajood laga gelin.

Laakiin mar kasta taasi sax ma’aha, waa canaadnimo iyuo madax adayg, in talada dadka kugu xeeran ama ku danaynaya aad qaadataana marar badan waxa ay kaa badbaadinaysaa talo qaldan oo aad ku jabi lahayd. Waxyaabaha waayeelnimada aadka looga qoomamoodana waxaa ka mid ah talooyin lagu siiyey oo aad qaadan weyday oo aad dib ka ogaatay in ay saxnaayeen.

11. Nacaybka iyo calool xumada: Waa run in aadamuhu mar kasta wax kala tirsanayo, xitaa haddii ehel iyo waraabo dhow ama saaxiibbo la yahayna ay mar kasta jirayaan gefaf uu midiba kan kale ka tirsanayo, waxase muhiim ah in qofku uu mar kasta niyadda ku hayo in cadhada lagu kala maqnaado, cadaawadda iyo calool xumadu ay tahay arrin burbur ku keenaysa kalgacalka qoyska iyo guud ahaan dhismaha bulshada, taas oo ka mid ah sababaha ay diinteennu inoogu diidday in saddex dharaarood wax ka badan cadho iyo kala weji-dadab lagu kala maqnaado.

Khubarada cilmiga bulshadu waxa ay xaqiijiyeen in nacaybka iyo uur xumada uu qofku u qaado ehelkiisa iyo asxaabtiisa u dhow, xitaa haddii ay jirto sabab ku abuurtay in aakhirka haddii aanay iska calool xaadhan, ay ku dambayso in marka qofku uu weynaado ama talax gabo uu qoomameeyo in ay muddada intaas le’eg cadho iyo nacayb ku kala maqnaayeen qofkaas qiimaha ku ag lahaa agtiisa. Waxaana hubaal ah in nacaybka iyo cadhadu qofka sita uun ku culus yihiin balse kan loo hayaa aanu wax badan ka dhaadsanayn.

12. Qosolku waa dawo: Duruufaha nololeed ee ka jira guud ahaanba dunida maanta ayaa keenay in ruuxdii farxadda iyo furfurnaanshiyuhu ay dunida ka baxdo. Waxaa muhiim ah in qofku ogaado in qosolka iyo kaftanku ay yihiin tiir muhiim u ah nolosha farxadda leh ee qof kastaa uu raadinayo. Waa in aynu ogaanno in noloshu aanay gebi ahaanteedba ahayn murugo iyo ciil ama hawlo badna iyo nafta oo la nasin waayo. Qof kastaa waa in uu helo waqtiyo uu farxo, qoslo, ciyaaro oo kaftamo, kulanno uu la qaato asxaabtiisa iyo qoyskiisa oo uu marar gaar la ahaado. Haddii kale hadhow marka uu waayeelo waxaa niyaddiisa ku soo ururaya xusuusaha murugada leh oo keliya, waxa aanu qoomamaynayaa sababta aanu weligiiba waqtiyo qosol iyo farxad ah u soo qaadan. La soco…