Guddida Dhismaha Jidka Wadada-Cad oo Kulan Is-xog Waraysi ah La Yeeshay Qurba-joogta

0
549

Picture1Hargeysa(Geeska) :-Guddida dhismaha Wada-Cad Hargeysa ilaa Inna-Guuxa, ayaa kulan afur ah oo is-xog waraysiya  qurba-joogta ka soo jeeda deegaankaasi kula yeeshay hotel Dalxiis ee magaalada Hargeysa, waxaana ay guddidu halkaas qurba-joogta ay xog-waran buuxa kaga siiyeen halka ay marayso dhismaha Wadadaasi, iyaga oo sheegay in hada ay dhammaadeen 36km, iyaga oo sida oo kalena tilmaamay in ay hada bilaabayaan wejigii sadexaad oo dhan 32km.

Waxaana kulankan ka soo qeyb-galay guddoomiyaha guddida dhismaha Wadada-Cad Md.Cali Sanyare, xubno ka mid ah guddida dhismaha Wadada-Cad, Injineerka dhismaha Wadada-Cad Inj.Yuusuf Gaydh iyo qurba-joog aad u tira badan.

Guddoomiyaha guddida dhismaha Wadada-Cad Md.Cali Ibraahim Maxamed(Cali Sanyare), oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa faah faahin guud ka bixiyey halka ay marayso dhismaha Wadada-Cad, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay hada bilaabayaan wejigii sadexaad dhismaha Wadada-Cad.

"Waxaan aad iyo aad idiin ku mahad-naqayaa aniga oo ku hadlaaya magaca gudiga wadada cad sida fiican ee  aad noo soo ajiibteen codsigii aan idiin soo dirnay oo aanu warbixin idin ka siino Wadada-cad iyo xaaladdeeda,waxaa lagu jiraa tallaabaddii ugu dambeysay wejigii sadexaad oo aan loo kala hadhayna illaa inta ay ka dhammaanayso ilaa Inna-Guuxa oo aad taas ka qeyb-gashaan oo jeebkiina aad gacanta aad u sii galisaan oo waxii hore iyo waxii cusub ee aan ka dooni doonaba ay isku soo daraan, duco fiicana waa ay nagaga dhici doontaa. Waxa weeyaan marka hore waddo la dhisaa ma hawl yar, waa waddooyinkii ay dhisi jireen xukuumadahu oo weliba ay taageero kaga heli jireen dawlado shisheeye ah amba ay u soo qaadan jireen amaaho ay ka keeneen Baanka Adduunka iyo meelo kale, hada 36Km, ayaanu isleenahay dhammeeya, inkasta oo 34 ay hadda dhammaanayaan 2 ay Insha Allah ku xigi doonaan. Marka qoladiina reer Hargeysana waad ka warami doontaane weli mashruuc Somaliland laga qabtay oo dawladahii faraha badnaa ee Somaliland ay qabteen oo ay dhammeeyeen ma jiraan. Waddadii ahayd Hargeysa-Salaxlay-Inna-Guuxa, waa ay barakaysnayd oo halkii aad wadada ku ogeyden Afar Mashruuc ayaa ay noqonayaan”.Ayuu yidhi Cali Sanyare.

Md.Cali Ibraahim Maxamed oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu ka codsaday dhammaanba qurba-joogta kulankaasi ka soo qeyb-gashay ay si mugleh uga qeyb-qaataan in ay soo bixiyaan lacagta lagu dhisaayo jidkaasi, waxaana uu yidhi:“Waxaan idin ka codsanaynaa marka aad ku laabataan dalalkiina in aad u warantaan bulshaddii halkaas joogtay oo aad u sheegtaana in ay tahay talaabaddii ugu danbeysay mashruuca aadna aanu idiin ku soo diri doono warbixino aan idin kaga codsan doono dal walba intii lagu qoray in ay qaadhaanka bixiyaan, wadanka gudihiisana qof walba oo lacag bixiyey waxaan doonaynaa in uu mar danbena uu bixiyo, dad baa bixiyey 10,000 dollar, 5000-dollar dib ayaanu ugu soo noqonaynaa oo aanu odhanaynaa mar labaad waxii aad soo bixin kartaan iyo haddii aad ka badin kartaanba soo dira, waayo waa markii ugu danbeysay oo qof walba waa aanu u tagaynaa, waxaana aan doonaynaa in 30kaa Km ay si dhakhso ah innoogu dhammaadaan, haddii ay lacagtu kala goo go'do, wakhtigu waa uu dhammaanayaa oo waana uu innaggu dheeraanaya" .

Injineerka dhismaha jidka Wadada-Cad Inj.Yuusuf Gaydh oo isna halkaas ka hadlay, ayaa ka xog waramay wejiga sadexaad ee ay bilaabayaan iyo sida oo kale kharashka ku baxaaya dhismaha jidkaasi.

"Wadadu hada waxaa ay dhisan tahay ilaa 36Km oo dhow-dhow, waxa innoo hadhayna waa 32Km, intaasina waa intii ugu adkayd ee ugu dhibta badnayd oo ah Banka, bankiina waxaa uu leeyahay carro tuul badan oo dhibaato badan ayaa lagala kulmayaa oo marka aad banka badhtankiisa marayso carro tuulka Salaxlay iyo ka qool caday mid waliba 7km ayaa uu u jiraa, marka waa uu ka kharash badan yahay, banku waxaa uu leeyahay biyo rog, galbeed iyo bari u socda oo ballaadhkiisa qaadanaya oo 15km ah,runtiina qof arkay ayuunba arkayee dee ninka arka waxaa uu odhanayaa ma halkan ayaa Waddo laga samaynayaa qofku is odhan maayo, waayo waa ay dul marayaan wada biyaha soo rogmadaa, waddo biyo dulmareena dhibaato ayaa ku dhacaysa, si aan hadaba uga tabaabushaysano waxaa ay u baahan tahay ilaa 24 meelood oo biyahu ka maraan oo ay ka dusaan oo sabad ay qaarkood yihiin, qaarna ay biyahu hoos marayaan, carro tuulkii oo ka fog, biyo mareenaddii oo ladhisaayo, marka salaxlay iyo inna-Guuxa la gaadhana wadadii talyaanigu dhisay 40kii ayaa iyana waxaa dul buuxsamay oo ka dul baxay dhir ay jiridoodu adag tahay, waxaas oo dhan ayaana u baahan min qool caday illaa salaxlay, inna-Guuxa, gabi ahaana marka aanu qiimaynay lacagta ku baxaysaa waa Sadex Milyan iyo Lixdan kun oo dollar ayaa ku baxaaya(3060,000 dollar), ayaa ku baxaaya ugu yaraan".Ayuu yidhi Muuse Gaydh.