Soonka Iyo Sixada (6): Soonku Lagama Maarmaan Ayaa Uu U Yahay Caafimaadka Qof Kasta, Sababahan Awgood

53
3200

Hargeysa (Geeska)- Ayaadda tirsigeedu 183 yahay, ee suuradda labaad ee Qur’aanka Kariimka ah (Albaqara), waxa uu Alle inoogu sheegayaa in in soonku danteenna yahay; “In aad soontaan ayaa idiin khayr roon / fiican, haddii aad wax garanaysaan”

Waxa ay culimada fasirta Qur’aanku inoo sheegayaan in aayaddu inoo sheegayso in soonku aakhiradeenna u fiican yahay, abaalka badan ee uu aakhiro leeyahayna in badan ayaa laga sheekeeyaa, waxa se wanaagga soonka ee ruuxiga iyo imaanka ah dheer, wanaag aan aad looga hadal oo ah in uu dan u yahay caafimaadka bani’aadamka iyo xitaa noolaha kale.

Waxa ay culimada saynisku ay maanta qirayaan in noloshu caafimaad buuxda aanay ku socon karin soonka la’aantii. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah faa’iidooyinka tirada badan ee uu soonku u leeyahay caafimaadkeenna, ayaa aynu ka faa’iidaynaa in bani’aadamka oo dhami soonka u baahan yahay.

Mark Fadden oo ka mid ah xeeldheereyaasha caafimaadka ee dalka Maraykanka ayaa sheegay, “In qof kasta oo bani’aadam ahi caafimaad ahaan ugu baahan yahay in uu waqtiyada qaar soomo, waayo mariidka / sumaha ka samaysma cuntooyinka ayaa jidhka ku urura. Suntaasi waxa ay qofka ka dhigtaa ruux buka, oo culays badani saaran yahay firfircooniduna ku yar tahay. Marka uu qofku soomo suntaas ayaa baxda, waxa aanu qofku dareemaa sida in uu culays badani ka degey” Khabiirkani waxa uu sheegay in 20 maalmood soonka kaddib uu qofku soo ceshado haddii uu miisaan badani ka dhacay, sida oo kalana ay dib isu cusboonaysiiyaan unugyada kala duwan ee jidhku, isaga oo dhinaca kalana dareema firfircooni iyo tamar aanu hore isugu arki jirin.

Qaar ka mid ah Faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee soonka

– Jidhka oo dareema raaxo, furfurnaan iyo nasasho, wixii cillado ah ee jirayna ka baxaan.

– Caloosha waxaa ku urura hadhaaga cuntooyinka uu qofku joogto u cunayo, ee uu jidhku ka maarmayo, haddii hadhaagaasi ku bato caloosha, waxa uu aakhirka isu beddelaa qashin sun ah oo khatar ku ah caafimaadka qofka. Soonku waxa uu sababaa marka uu jidhku gaajoodo in uu dib u isticmaalo cuntadii hadhaaga ku ahayd caloosha, sidaasna ay kaga dhammaato oo ay calooshu sidaas kaga nadiifowdo hadhaagii ku ururay.

– Soonku waxa uu wanaajiyaa shaqada dheefshiidka, waxa aanu xoojiyaa awoodda uu jidhku u leeyahay dheefsiga cuntada iyo nuugista faa’iidooyinka nafaqo ee ku jira.

– Soonku waxa uu habdhisyada kala duwan ee jidhka u suurta geliyaa in mariidka ay iska nadiifiyaan, in ay shaqadooda dib u dardargeliyaan, in ay awooddooda soo ceshadaan, arrimahaas oo keena in ay nadiifoobaan isla markaana si habsami ah oo dardar hor leh wadata u hawlgalaan dhiigga iyo dareereyaasha kale ee jidhkuna.

– Soonku waxa uu sababaa in ay furfurmaan / milmaan maaddooyinkii dheeraadka ahaa iyo guntimihii kala duwanaa ee ku dhex samaysmay nudaha buka ee jidhka.

– Soonku waxa uu firfircooni iyo dhalinyaranimo ku soo celiyaa unugyada iyo nudaha kala duwan ee jidhka.

– Soonku waxa uu xoojiyaa fahamka qofka waxa aanu baraarujiyaa maskaxda.

– Soonku waxa uu nadiifiyaa oo uu qurxiyaa maqaarka, Alexis Carrel oo ka mid ah culimadii seeska u dhigtay cilmiga caafimaadka, ayaa ka mid ah saynisyahannada xaqiijiyey in soonku uu u fiican yahay caafimaadka. Carrel oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Faransiiska, noolaanaha intii u dhexeysay 1873 illaa 1944, waxa uu ka mid yahay saynisyahannada ku guulaystay abaalmarinta caalamiga ah ee Nobal Prize. Alexis Carrol ayaa buuggiisa “Man, The Unknown’ waxa uu kaga hadlay dhibaatada caafimaad ee ka dhalanaysa cuntada badan ee xilliyada badan jidhkeenna gelaysa, waxa aanu sheegay in xalkeedu uu soonka yahay. Isaga oo arrintaas faahfaahinayana waxa uu yidhi, “Sonkorta beerka ayaa dhaqaaqaysa, waxa la dhaqaaqaya dufanka ku kaydsan maqaarka hoostiisa, waxa aana ka dhalanaya in dhammaan xubnaha jidhku jiritaankooda u huraan, ilaalinta nolosha iyo caafimaadka xubnaha gudaha jidhka ku jira iyo gaar ahaan badqabka wadnaha. Soonka ayaana ah ka isagu soo nadiifinayana, beddelayana nudaheenna”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here