“Farmaajo Iyo Cabdiwali Gaas Haddii Ay Cadaw Ku Yihiin Somaliland, Waxba Inagama Qaadayaan”

51
2828

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo ka mid  Xildhibaanada Golaha Wakiiladda, ayaa ka hadlay Roobabka dablaylaha wata ee ka da’ay deegaanada Xeebaha ee keenay dhimashada dad badan, waxaanu Xukuumadda uga mahadnaqay qaabka ay ugu gurmatay dadkaas, isagoo ku taliyey in laga wada qayb qaadato gurmadka dadkaas ay dhibaatadu ku dnacday.

Xildhibaan  Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka dhexmaray Somaliland iyo puntland, waxaanu sheegay in Somaliya iyo Puntland ay isku soo bahaysteen inay Somaliland wax yeelaan, balse aanay waxba ka qaadaynin, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Maqaadiir baa dhacday, masiibo ayaa dhacday, balse qadar ALLE ayaa wax walba ay ku dhacaan, in dadkan dhintayna xaaladaas ku dhintaan, oo roobabkan iyo dabaylahan ku dhintaan ALLE ayaa u qadaray, cid baajin karaysanayna ma jirto, balse Xukuumaddu gurmadka ay ka gashay aad baan uga mahadnaqayaa, Xukuumadda oo qudhana maaha inaynu ku daawano ee waa inaynu dhammaanteen ka wada qayb qaadana gurmadka dadkeena masiibadu ku dhacday, ee Xoolihii ka leedeen, dadkuna ka dhinteen”.

Xildhibaan Mataan Hoori ayaa mar uu ka hadlaayey dagaalka dhexmaray Somaliland iyo Puntland ayaa yidhi “Fikir baa jiray ahaa Hargeysa ayaa la iskugu tagayaa, oo Munaasibada xuska 18 may ayaa dhammaan Ciidamada Somaliland tagayaan, waxaana la isku dayey in Somaliland la soo weeraro, oo xadkeena oo waliba badh inaga maqan yahay ayaa la damcay in la inagu soo xad gudbo, oo waa tii la ina soo weeraray, laakiin weerarkaasi waxba umaynu noqon, oo cadawgeenii ayaa ku leeday, oo ku jabay, Farmaajo iyo Cabdiwali Gaasna haddii ay cadaw ku yihiin Somaliland, waxba inagama qaadayaan, weerar kasta oo ay inagu soo qaadan, inay jabaan mooye, faa’iido inaga gaadhi mayaan”.

Xildhibaan Mataan Hoori ayaa mar uu ka hadlaayey dagaalkii dhexmaray labada beelood ee Deegaanka Degmada Ceel-afweyn ayaa yidhi “Labadan Beelood, waa isku Beel qudha, magaca guud ha ka ahaadan Habar Jeclo iyo Habar Yoonis,laakiin labadaas magacba wey ka tageen, oo waxay qaateen magaca Habar Lamaan, ee Habar Lamaan waxaan leeyahay idinka ayaa maanta iska xiga Habar Jeclo,Habar Yoonis iyo Cid walba, ee waa doqonimo dagaalka dhexdiinu ee joojiya dagaalka aad dagaalamaysaan, oo haddii aad dagaal u baahantihiin, cadawga Somaliland la dagalaama, oo Ciidanka ku biira, oo dib yaan loo maqlin habar lamaan ayaa dagalaamaysa, waana bil ramadaana ALLE ka baqa”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here