5 Saacadood Oo Keliya Ayaa Ku Filan In Shaqaaluhu Ay Ku Dhammaystiraan Shaqo Maalmeedka 8-da Saac Ah

41
3689

Sydney (Geeska)- Haweenay lagu magacaabo Pilita Clark oo tifatire ka ah wargeyska Financial Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa soo warisay qiso ka yaabisay oo ay kula kulantay magaalada Hobart ee dalka Ustraliya; maareeyaha shirkad ka shaqaysa la talinta dhinaca maaliyadda oo lagu magacaabo Jonathan Elliot ayaa bilaabay in saacadihiisa shaqo uu ku soo koobo shan saacadood, kaddib markii xaaskiisa oo ilma yar haysatay ay qasab noqotay in ay u baxdo safar caafimaad, oo ay iskaga daweynayso cudurka kansarka, isagiina ku qasbanaaday in uu isku wado shaqada iyo daryeelka ilmaha yar.

Nasiibwanaag Jonathan Elliot waxa uu ogaaday in uu shan saac oo keliya ku qaban karo dhammaan hawlihii uu ku qaban jiray 8 saac maalintii. Halkaas ayaanu kala soo baxay fikirka ah, in uu daraaseeyo, suurtagalnimada in uu qof kasta oo shaqaalihiisa ka mid ahi uu shan saacadood oo keliya ku dhammaystiro dhammaan hawlaha ay tahay in uu maalintii qabto. Isaga oo fikirkaas ka duulaya ayaa uu sannadkii ina dhaafay bilaabay tijaabada in shaqaalihiisu ay shan saac shaqeeyaan iyada oo aan mushaharkooda waxba laga jarayn. In kasta oo ay marka hore jirtay cabsi ah in dhimista saacadaha shaqadu dhaawacdo waxsoosaarkii shaqaalaha, haddana taas waxaa beenisay tijaabadan oo illaa maanta guul laga arkay. Claudia Parsons oo ah agaasimaha hawlgelinta ee shirkadda ayaa sheegtay in tijaabadan waxyaabaha ka soo baxay ay ka mid tahay, codsiyadii fasax doonka ee shaqaalaha oo yaraaday, xitaa kuwii caafimaadka la xidhiidhay, iyo shaqadii oo si habsami ah u socotay” Sidaa awgeed, waxa ay sheegtay in aanay diyaar u ahayn in ay dib uga noqdaan qorshahaas cusub ee ah in 5 saac shaqaalahood maalintii shaqeeyaan.

Wariye Pilita Clark oo iyaduna sheegaysa sababaha ay uga heshay dhimista saacadaha shaqada ee ay samaysay shirkadda Collins SBA, ayaa sheegtay; in marka koowaad qofka shaqaalaha ah saacado dheeraad ah loo badbaadinayo si uu danihiisa shaqada ka baxsan u qabsado, in la yaraynayo shirarka dhaadheer iyo hawlaha aan muhiimka ahayn ee shaqada inta badan lagu dhex daro, maadaama oo saacadaha shaqadu yar yihiinna ay kulamada shaqadu ku soo ururayaan kuwa muhiimka ah oo waqti aan 10 daqiiqo ahayn toddobaadkii lagu qaato. In ay meesha ka baxdo saacadihii qofka shaqaalaha ahi isaga oo hawshiisii maalinlaha ahayd dhammaystay uu haddana xafiiska iska fadhiyayey si uu u buuxiyo waqtiga 8 saac ah ee laga rabo. In shaqaalaha waxsoosaarka leh iyo kuwa fadhiidka ahi kala baxaan, waayo saacadaha shaqo ee la koobayaa waxa ay soo saarayana shaqaale karti leh oo 5 iyo xitaa 3 saac shaqadooda maalinlaha ah ku dhammaystiri kara iyo kuwo u baahan 10 saac, halkaasna waxa lagala baxayaa shaqaalaha mudan abaal marinta iyo kuwa aan mudnayn, sida oo kale waxaa la ogaanayaa shaqaalaha shaqadooda ka adag iyo kuwa aan hawlkarka ahayn.

Ugu dambayntii qoraa Pilita Clark waxa ay ku doodaysaa in fikirka ah in 8 saac la shaqeeyaa uu soo baxay waqti hadda laga joogo in ka badan hal qarni. Waqtigaas oo dabcan ay yaraayeen imkaaniyaadka shaqada fududaynaya ee hadda aadka u badan, sidaa awgeed waxa ay ku doodaysaa in aanay jirin sabab la isugu sii dhejiyo saacadahaas siddeeda ah, in kasta oo aanay meesha ka saarin in ay jiri karaan shaqooyin ama goobo shaqo oo aanay 5 shaac anfaci karayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here