Soonka Iyo Sixada (4): Khuraafaadka Dadku Ka Aamineen Harraadka Xilliga Soonka Iyo Talada Dhakhtarka (Q:2aad)

0
656

Hargeysa (Geeska)- Waa Qormadii labaad uguna dambaysay taxanaha uu Geeska Afrika ku soo qaadanayaa dhowr ka mid ah khuraafaadka ay dadka qaar sheegaan in lagaga hortegi karo harraadka soonka, xaqiiqada arrimahaas iyo talada dhakhaatiirtu ka bixiyeen:

4. Biyaha oo cuntada lagu dhex cabbo:

Khuraafaad: Dad badan ayaa aaminsan in xilliga cuntada la cunayo oo biyo lagu dhex cabbaa ay dheefshiidka siinays fursad sidacaadiga ah ka badan oo uu shaqadiisa ku qabsan karo.

Runta: Xilliga cuntada oo biyo lagu dhex cabbaa waxa ay xannibtaa dhareer dabiici ah oo jidhku soo daayo marka aynu cuntada afka gelinno si uu uga qayb qaato habsami u shaqaynta dhaafshiidka, waxaana yaraada faa’idadii uu jidhku ka heli lahaa cuntadaas.

Talada dhakhtarka: Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in qofku aanu biyo cabbin marka uu cuntada cunayo. Haddii uu ka maarmi waayo in uu cabbana waxa fiican in ay noqdaan xaddi aad u yar oo ka caawiya keliya in uu cuntada liqo.

5. Biyo badan oo la cabbo maka soonka:

Khuraafaadka: Dad badan ayaa aaminsan in qofku isla marka uu cuntada dhammeeyo cabbo xaddi aad u badan oo biyo ah, iyaga oo ku andacooda in taasi ay ka caawinayso qofka dheefshiidkiisa in uu si sahal ah u burburiyo cuntada, iyo sidoo kale in biyuhu jidhka galaan oo harraadka iyo soomal-haadku ay qofka ka kaxeeyaan.

Runta: Qofka oo isla marka uu cuntada cuno ka daba geeyo xaddi aad u badan oo biyo ahi waxa ay carqalad ku noqotaa hab-sami u shaqaynta dheefshiidka, waxa aanay dheefshiidka u diiddaan in uu si fiican u dhamaysto hawshiisa ah burburinta cuntada. Sababtuna waa biyaha oo ka hortegaya in jidhku uu soo daayo dheecaannada dheefshiidka ka caawinaya burburinta cuntada.

Talada: Khubarada caafimaadku waxa ay aaminsan yihiin marka uu qofku biyo yar cabbo afurka kadib, ay taasi ka caawinayso in uu ka takhuliso harraadka.

Marka xilliga bisha soon aynu u nimaadnana waxa ay khubarada caafimaadku ku talinayaan waqtiga ugu fiican ee xilliga soonka biyo si fiican loo cabbayaa in ay tahay marka ugu yaraan laba saacadood ay ka soo wareegeen waqtigii afurka. Sida ugu fiican ee ay tahay in qofku biyaha u cabbaana waa in aanu mar keliya qudh-qudhin ama xaddi badan oo biyaha mar keiliya cabbin balse ay fiican tahay in afurka illaa suxuurta waqtiga u dhexeeya hadba in yar oo biyo ah uu cabbo. Sidoo kale waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyeen in qofku aanu rumaysan shucuurta mararka qaarkood ay maskaxdiisu tusto ee ah in uu harraad qabo, gaar ahaan xilliga Ramadaanka.

6. Biyaha badan iyo naaxidda:

Khuraafaadka: Dad badan ayaa aaminsan fikirka aanay cilmi ahaan caddaynta u haynin, ee ah in biyo badan oo jidhka gala ay akahirka keento buruur iyo in miisaanka qofku si xawli ah u kordho.

Runta: Cilmibaadhis dhowaan la sameeyey ayaa daahfurtay in biyuhu ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin dhimista miisaanka. Xeeldheerayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegeen in biyaha oo la cabbaa ay jidhka ku abuurto in uu soo saaro hormoonka lagu magacaabo, Noradrenaline oo sababa in ay kor u kacdo firfircoonida hab-dhiska neerfayaasha, isla markaana badiya awoodda uu jidhku u leeyahay in uu gubo dufanka; taas oo si fiican u caawisa in miisaanku hoos u dhaco.

Talada dhakhtarka: Qofku waa in uu joogteeyo in xilliga soonka uu habeenkii cabbo ugu yaraan laba litir oo biyo ah, laakiin ay noqdaan biyo aanu qabowgu ku badnayn, isla markaana aanu mar keliya wada cabbin. Dhammaad