Soonka Iyo Sixada (22): Basasha Casi Waxa Ay Dishaa Unugyada Kansarka Ee Jidhka Ku Abuurma

0
628

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in basasha cas ay ku jiraan maaddooyin iyo isku-dhisyo kiimikaad oo dila unugyada kansarka.

Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan jaamacadda Ohio ee dalka Maraykanka, natiijadeedana uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee Anadool ayaa lagu ogaaday in unugyada Kansar ee ay basashu disho ay ugu horreeyaan kuwa ku abuurba midhicirada iyo naasaha. Cilmibaadhayaashu waxa ay ogaadeen in basasha uu ku jiro xaddi badan oo ah isku dhiska kiimikaad ee Quercetin oo ka tirsan maaddooyinka Flavonoids ee mariidka / suntan cuntada ka samaysanta la dagaalama.

Cilmibaadhistu waxa ay intaas ku dartay in basasha cas ay ku ku badan tahay maadadda kale ee Anthocyanins oo inta badan ku jirta khudradda oo iyaduna la dagaalanka kansarka. Tijaabooyinka la sameeyey intii daraasaddan la waday ayaa muujinaya in basasha casi ay aad ugu fiican tahay dilidda unugyada kansar ee midhicirada weyn iyo naasaha. Cilmibaadhayaashu waxa ay heleen in walxaha iyo maaddooyinka ay basashu ka samaysan tahay ay sida oo kale ay caddilaan xidhiidhka unugyada kansar, koritaankoodana curyaamiyaan.

Xeeldheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey waxa ay sheegeen in tallaabada xigta natiijadan ay sameeyeen ee ay qaadi doonaan ay tahay in ay tijaabiyaan illaa heerka ay basasha casi awood u leedahay in ay la dagaalanto kansarka maqaarka ku dhaca.

Warbixinaha hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa caddaynaya in cudurka kansarku uu ka mid yahay sababaha ugu badan ee dunida maanta loogu dhinto, iyada oo boqolkiiba 13 dadka geeriyooda ay u dhintan noocyada kala duwan ee kansarka. Kansarka beerka, sambabbada, caloosha, naasaha, dhuunta riximka iyo midhicirada ayaana ah kuwa ugu badan ee keena ee dhimashadaas keena.