Qaladaadka Caafimaadka: Xukunka Cisbitaal 26 Sano Ka Hor Isku Qalday Laba Hablood Oo Ku Dhashay

0
834

Vienna (Geeska)- Cisbitaal ku yaalla magaalada Gratis ee koonfurta dalka Usteri ayaa la saaray masuuliyadda isku qaldid lagu sameeyey laba hablood oo ku dhashay cisbitaalka muddo hadda laga joogo 26 sano, waxa aana lagu xukumay in uu bixiyo khasaare mooral iyo karaamo dilid aadame ah ee ku dhacay labada carruur ah ee la isku qalday iyo qoysaska ay ka dhasheen. Waxa se nasiibdarro ah in labada hablood ee la isku qalday midkood aan la haynin meel ay ku dambaysay.

Garsoorka dalka Usteri ayaa xukumay in labada waalid ee dhalay inantak a joogta labada hablood ee is weydaartay iyo inanta joofta lafteeda la siiyo magdhow lacageed oo dhan 33 kun iyo 7 boqol oo doolar qoyskiiba.

Inantan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Grondfald ayaa sannadkii 2014-kii mar ay dhiiggeeda noociisa baadhaysay waxa ay si kedis ah u dareentay in nooca dhiiggeedu uu ka duwan yahay dhiigga hooyadeed ugu qoran waraaqaha caafimaadka, arrintaas oo shaki gelisay ayaana ku kalliftay in ay samayso baadhitaanno ah dheecaanka hidde-sidaha DNA, kuwaas oo xaqiijiyey in haweenayda soo korsatay aanay hooyadeeda runta ah ahayn. Grondfald markii ay xaalka waraysatay waxa ay ogaatay in aanay hooyadeed waxba ka ogeyn wax qalad ah oo dhacay, aaminsantahayna in inanteedii rumaad tahay, laakiin intaas kuma ay qancin ee sannadkii 2015 ka ayaa ay maxkamadda ka furatay dacwad arrinteeda khusaysa, maxkamadda oo baadhistan ku qanacday ayaana go’aan ku gaadhay in baaq yeedhmo ah ay u dirto dhammaan dumarkii cisbitaalkan carruurta ku dhalay intii u dhexeysay 15 illaa 20 bishii Noofambar ee sannadkii 1990-kii, si carruurtii waqtigaas u dhalatay loogu sameeyo baadhis DNA ah.

In kasta oo dadkaas badankoodu maqleen amarka maxkamadda oo ay baadhitaannadan u yimaaddeen, haddana weli ma’ ay soo bixin natiijadi la rabay, taas oo macnaheedu yahay in ay weli maqan yihiin dumarkii waqtigaas umulay qaarkood ama ugu yaraan mid ka mid ah oo noqonaysa inantan hooyadeed, xogta inantii lagu beddelayna gabadhaas uun laga heli karo.