Soonka Iyo Sixada (10): Qaladaadka Qofka Soomani Uu Galo Afurka Iyo Dhibaatada Caafimaad Ee Ka Dhalata

0
553

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu Wargeyska Geeska Afrika u rogay Afsoomaali ayaa ka hadlaysa qaladaad dhinaca Afkurka ah oo uu qofka soomani inta badan ku kaco isaga oo aan garanayn cawaaqibkooda. Kuwaas oo ay ka dhashaan xaalado caafimaad oo kala duwani:

2. Cuntada ay tahay in lagu bilaabo afurka:

Qaladaadka qofka soomani galo waxaa ka mid ah, in afurka uu ku bilaabo cuntooyinka naftu xiisaynayso ee shiilan, cuntooyinka casaanka ah, sida bariiska iyo baastada. Cuntooyinka noocan ah waxaa ku badan dufanka, sidaa awgeed waxa ay caloosha oo maanta oo dhan madhnayd ku keenta culays aanu dheefshiidku awoodi karin in uu burburiyo.

Qofka soomani waa in uu ka taxaddaraa cuntada uu ku afurayo, tusaale ahaan waa in uu cuntada ku bilaabo saladho iyo khudrado daray ah. khudraddu waxa ay qofka ku abuurtaa shucuur dhereg ah oo keenaysa in aanu cunto badan cunin, waxaana ku jira Faytamiinno iyo macdano uu jidhku aad ugu baahan yahay. Khudraadda waxaa ku jira xaddi fiican oo biyo ah, sidoo kale burburinteeda ayaa sahlan oo dheefshiidka aan maanta oo dhan shaqaynin wax culays ah kuma keenayo, calooshana waa uu u fudud yahay.

Qofka soomani cuntooyinkaas ayaa uu ku bilaabayaa afurka, cabbaar kadib ayaanu bilaabayaa cuntooyinka kale ee shiilan iyo kuwa barootiinta leh.

– Qofku maalinta oo dhan marka uu afxidhnaado waxa uu dareemayaa gaajo daran oo aanu u sii adkaysan karin, gaar ahaan xilliga afurka oo marka naftu aragto cuntada ama dareento xilligii afurka in la gaadhay ay naftu u hamuumyooto in ay cunto wax kasta oo ay xiisayso, waqtigaa afurku waa marka ugu daran ee qofka soomani uu galo qaladaadka ugu waaweyn ee dhinaca cuntada. Marka koowaad cuntooyinka uu xiisaynayo ayaa uu iska qaban kari waayaa, marka labaadna waxaa ku adag in uu iska yareeyo cuntada si ay calooshu u hesho fursad ay ku nasato uguna diyaar garowdo cunto badan.

Afurku waxa uu ku fiican yahay in uu laba qaybood noqdo, marka koowaad waa in la cuno timir, biyo yar oo aan aad u qaboobayn ama cunto macaan oo aad u yar, kadib uu tago salaadda oo la og yahay u socodkeeda iyo tukashadeedu in ay jimicsi fudud u yihiin nafta, markaa kadibna caloosha oo u diyaar garowday cunto dheeraad ah iyo dheefshiidka oo shaqo u diyaar ah uu cuntada cuno. Dhammaad