“Xisbiga Kulmiye Waxba Gacanta Uguma Jiraan, Iyaga Ayaaba U Baahan In Loo Gurmado”

0
488

Picture1Hargeysa(Geeska) :-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa xukuumada Siilaanyo ku eedeeyey in ay golaha Guurtida Somaliland heshiis ku ahaayeen go’aankii ay muddo kordhinta ugu samaysay aqalka Madaxtooyada iyo golaha Wakiilada, balse markii danbe ay xukuumadda Siilaanyo uga tanaasushay cadaadis kaga yimi beesha caalamka awgeed, waxaana uu tilmaamay in ilaa hada la la’ yahay cid fulisa heshiiskii ay sida wada-jirka ah u gaadheen xisbiyada iyo xukuumadda Siilaanyo, isaga oo sida oo kalena xisbiga Kulmiye ku tilmaamay mid aan awood badan lahayn fulinta heshiiskan oo isaga aanay gacmahiisa wax ugu jirin isla-mar-ahaantaana u baahan ayaa uu yidhi in loo gurmado. Xoghayaha xisbiga Waddani Md.Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu sida oo kale mar kale uu ku celiyey in aanay aqbali doonin go’aankii ka soo baxay golaha Guurtida oo uu ku tilmaamay  in uu ahaa mid ay si gaar ah ugu adeeganayeen xukuumadda iyo guddoomiye Saleebaan.

"Madaxweynaha wakhtigiisii waa uu dhacay, waxan ay Guurtidu mul-mulaaqdayna maaha sharci mana aqoonsanin annagu haba-yaraatee waayo distoor ayaa uu dalku leeyahay oo qodobka 82aad iyo 83aad meelna kama soo galaan waxan uu Saleebaan Gaal iyo caruurta meesha la joogta ay xar xariiqeen, annagu wax aanu raacsanahay maaha, wax dalka iyo dadka dan u ahna maaha, waa wax lagu burburinaayo Komishankii qaranka, dimuqraadiyaddii, lagu burburinaayo wada-jirkii iyo midnimadii qaranka Somaliland ayaan u aragnaa muddo korodhsiimo ay samaysteen Siilaanyo iyo Saleebaan oo iyagu ay dantooda gaarka ah ku fushanayaan mana aqbalayno, heshiiskaas haddii la hirgalin waayo oo xukuumadda Somaliland dhegaha ka furaysato xisbiyada mucaaradka ah ayaa ka tashanaya.".Ayuu yidhi Md.Uurcadde.

Md.Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu sheegay in dhibbaatada haysata dawlada Somaliland ay tahay iyada oo aan haysan cid fulisa waxii heshiisyo ah e la gaadho, waxaana uu yidhi:"Somaliland dagaal waa ay ka soo gudubtay, xisbiyada mucaaradka ah, waxaa ay samaynayaan waxii ay dimuqraadiyadu u ogashahay, laakiin nasiib darrada jirta, waxa weeye wax kasta oo la galo iyo wax kasta oo dalka loo qabanayaba, waxa ay u baahan yihiin cid fulisa, fulintii ayaa ka dhiman xukuumadda Somaliland, ciddii heshiisyada la galay fulinaysay ma jirto, ciddii waxii ummadan u dan ahaa fulinaysay ma jirto, waa meesha is dabo wareegaysa ee aan hor iyo dib toona lahayn marka Illaahay waa uu innaga saarayaa". Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Md.Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, waxaa uu ugu danbeyntii sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu uga tanaasulay go’aankii muddo kordhinta ay Guurtidu ugu samaysay cadaadis adag oo kaga yimi beesha caalamka awgeed. "Waxaan sheegayaa muddo korodhsiimada uu Saleebaan sameeyey, waxaa ay shuraako ku ahaayeen xukuumada Siilaanyo, laakiin iskama uu samayn, markii danbena cadaadis beesha caalamka uga yimid awgeed ayaa uu uga tanaasulay, laakiin maslaxad kale ugama uu tanaasulin, ciddii fulin lahayd tanaasulka uu sameeyey iyo talada uu xisbiyada la qaatayna horta ma taalaba, xisbiga Kulmiye wax gacanta ugu jira oo aanu wax uga sheeganaa ma jirtaba, iyaga ayaa u baahan in loo gurmado, wax aanu iyaga nidhaahnaaba waa qalad".Ayuu yidhi Md.Uurcadde