Soonka iyo Sixada (1): Talooyin La Xidhiidha Habka Cunto Qaadasho Ee Ku Habboon Soonka Xilli Xagaagan

33
3726

Hargeysa (Geeska)- Bisha soon waxa ay sannadkan ku hagaagtay xilli xagaa oo lagu jiro bilaha ugu kulul sannadka, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in aynu u talo urursanno hababka ugu fiican ee aynu isugu diyaarin karno u adkaysiga bisha soonka, gaar ahaan dhinaca cuntada oo ay tahay in laga xusho noocyada jidhka biyaha u ilaalinaysa isla markaana firfircooni iyo tamar siinaysa, saacadaha maalintii. Qormadan waxa aynu k ueegaynaa talooyin qofka soomaya ka caawinaya in uu soonka xilliga xagaaga u yeesho adkaysi:

1. Milixda: Waxa uu caafimaadka wanaaggiisu ku jiraa in milixda laga yareeyo cuntada la cunayo, gaar ahaan xilliga lagu jiro bisha soonka, taas beddelkeedana la adeegsado khudradaha kala duwan ee cuntada ka yarayn kara dhadhanka lagu nici karo ee milix la’aantu ku keenayso.

2. saddex xabbo oo timir ah: In aad cunto 3 xabbo oo timir ah ayaa ku filan in aad ku afurto. Xasuusnow in timirtu ay ku badan yihiin Kaloorisku, sidaa awgeed ka feejignoow in aad cunisteeda isku badiso, si aanay miisaanka u kordhin.

3. Maraq khudrad ah: Ku dadaal in aad cabto maraq ka samaysan khudrad aad u badan, sida khudradaha cagaaran ee ay ka mid yihiin Barakooliga, Koostada, faasuuliyaha cagaaran, dabacasaha, iyo guud ahaan khudradaha lagu ogyahay faytamiinnada iyo macdanaha muhiimka u ah jidhka. Maraq diirran oo khudrad ka samaysani waa cuntada ugu fiican dheefshiidka aan maalinta dheer wax shaqo ah soo qaban.

4. Khudrado kala duwan: Ku dadaal in aad cunto saldaato ka kooban khudrado kala duwan. Mar kasta oo ay sii korodho noocyada kala duwan ee khudradda aad isticmaalaysaa waxaa sii kordhaya fursadaha uu jidhku ku helayo xaddi badan, isla markaana kala noocyo duwan oo ah curiyeyaasha nafaqo, maaddooyinka lidkia mariidka, faytamiinnada iyo macdanaha uu jidhku u baahan yahay. Taas oo door muhiim ah ka qaadanaysa badbaadada unugyada jidhka iyo in caafimaadku xoogeysto.

5. Qaybi cuntada: Cuntada aad cunayso afurka kaddib u qaybi 3 qaybood; qaybi waa Karbohaydaraytka, qaybna ka dhig hilib aan baroor iyo xaydho lahayn, ama cuntooyinka halka hilibka geli kara, qaybta saddexaadna ka dhigo khudrado. Ku dadaal in ay saddexda qaybood isu dheelli tirnaadaan.

6. Dheregga: Haddii aad dhaqso u dhergeyso, oo aanad afurka mar keliya wada cuni karin. Cashada ama cuntada culus dib ugu riix salaadda Maqrib kaddib. Waqtigaas u dhexeeye eedaanka lagu afurayo iyo salaaddu waxa uu ku filan yahay in dheefshiidku dib u baraarugo oo uu shaqadiisa ku bilaabo timirtii iyo maraqii khudradda ahaa.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in caafimaad ahaan ay dhibaato keenayso in dheefshiidka mar keliya la gaadhsiiyo cunt oculus oo shaqo badan uga baahan, isaga oo aan maanta oo dhan soo shaqayn. La soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here