Soonka Iyo Caafimaadka: Sunta Oo Uu Jidhka Ka Saaro, Ka Hortagga Gabowga Iyo Quruxda Maqaarka

0
585

1Hargeysa (Geeska)- Soonka oo ah cibaado ay in badan diintu ka warrantay faa’idooyinka uu u leeyahay, acmaasha qofka, nadiifinta ruuxda iwm, ayaa sidoo kalana leh faa’idooyin waaweyn oo ah dhinaca dhinaca jidhka iyo guud ahaan caafimaadka, waxa aana ka mid ah, qurxinta maqaarka, timaha iyo xitaa cidiyaha.

Dr. Sacad Saqiir oo ku xeeldheer caafimaadka maqaarka, qurxintiisa iyo ka hortagga gabowga ayaa mar uu dhowaan la hadlay barnaamijka Sabaax Al-Carabiya ee ka baxa Talefishanka Al-Carabiya, waxa uu caddeeyey in soonku uu yareeyo muuqaalka gabowga, isaga oo taas xujo uga dhigtay daraasad baadhitaankeeda cilmi la bilaabay siddeetamaadkii illlaa haddana ay socdaan.

Sunta oo jidhka ka baxda: Dhammaan waqtiyada aan soonka ahayn tamarta jidhku waxa ay ku wada jeeddaa hab-dhiska dheefshiidka, laakiin qofka sooman, marka uu 12 saac af xidhnaado, waxa uu jidhkiisu bilaabaa in uu tamarta qofka ka soo jeediyo dheef-shiidka, sidoo kalana uu jidhku bannaanka isaga soo saaro sunta laga yaabo in ay ku jirto qaybaha kala duwan.

La dagaallanka gabowga: Khubaradu waxa ay sheegeen in soonku uu xoojiyo hab-dhiska difaaca ee qofka, isla markaana uu firfircooni iyo awood u kordhinayo hormoonnada ka hortaga gabowga. Waxaa yaraada tirada coodh-coodhka wejiga. Soonku waxa uu soo celiyaa quruxda iyo dhalaalka dabiiciga ah ee maqaarka, waxa aanu awood u leeyahay in uu ka hortago finanka wejiga ka soo baxa. Dr. Sacad waxa kale oo uu sheegay in soonku uu ka hortegi karo noocyo ka mid ah Kansarka, iyo xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Maqaarka: Ramadaanka oo sannadkan ku soo beegantay xilli kulayl aad u badani ka jiro inta badan ee dunida, ayaa keenaysa khatarta ah in uu hoos u dhaco xaddiga biyaha ee dhiigga ku jira, taasina ay saamayn xun ku yeelato caafmaadka maqaarka. Haddaba si taas looga hortago waxa uu ku taliyey in qofku habeenkii cabbo biyo badan oo aanu mar keliya wada cabbin ee uu yaryaraysto taas oo jidka ka ilaalinaysa qallalaylka.

Dhinaca kalana waxa uu Dr. Sacad sheegay in xilliga soonka uu jidhku soo daayo hormoonno badan oo ay qurux iyo midabka dabiiciga ah oo u soo noqda ka faa’idaan maqaarka, ciddiyaha iyo timuhu.

Talooyin muhiim ah: Ugu dambayntii waxa uu dhakhtarku ku taliyey in afurka aan biyo aad u badan la raacin, isla markaana cuntada oo dhan la iska yareeyo xilliga soonka, waxa uu iyadana ka digay in qofku uu seexdo cuntada kadib, isaga oo soo jeediyey in qofku uu soo jeedo saacado cuntada kadib ah si uu dheefshiidku waqti fiican ugu helo n uu shaqadiisa qabsado. Waxaa iyaduna muhiim ah in khudradda la badsado iyo in cunto isu dheelli tiran la raadsado.