Fadeexadda FIFA: Sepp Blatter Oo $80 Milyan Oo Musuq Ah La Qaybsaday 2 Masuul Oo Ka Mid Ahaa Xidhiidhka

0
550

1Geneva (Geeska)- Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa jimcihii toddobaadkii hore 3da Juun 2016 ku dhawaaqay in madaxweynihii hore ee xidhiidhka Joseph “Sep” Blatter iyo laba ka mid ah masuuliyiintii saree e FIFA ay si shakhsi ah u qaybsadeen 80 Milyan oo doolar oo ay ka heleen heshiisyo iyo magdhowyo uu ururku helay Shantii sano ee u dambeeyey. Xidhiidhka kubadda cagta ee adduunku waxa uu warkiisan ku sheegay in xogtan cusub ee musuq-maasuq ay u gudbiyeen garsoorka dalka Switzerland, isla markaana ay la wadaagi doonaan garsoorka dalka Maraykanka.

Warkan ka soo baxay xarunta FIFA oo ku taalla magaalada Zurich ee dalka Switzerland waxa uu intaas ku daray in Sep Blatter iyo labadiisii gacanyare ee Jerome Valcke oo u dhashay dalka Faransiiska iyo Markus Kattner oo u dhashay dalka Jarmalku ay lacagtan 80 Milyan ee Doolar ah ku heleen nidaam sharciga baalmarsan oo ay ka mid tahay in ay mushaharka si sharciga baalmarsan sannad kasta ugu korodhsan jireen lacag badan iyo in qaadan jireen abaalmarinaha lagu helo koobka adduunka, lacagahaas sharci darrada ay ku qaateen oo marka la isku geeyo warbixintu ku sheegtay in ay gaadhayso 80 Mlyan oo doolar oo shan sano gudahood ah.

FIFA musuq-maasuqa ay ku kaceen saddexdan masuul, waxa ay tusaale uga soo qaadatay; 30kii Abriil 2011kii, xoghayihii guud ee FIFA Valcke iyo Kattner oo ahaa ku-xigeenka xoghayaha guud waxa ay 8 sano iyo badh ku korodhsadeen muddada heshiiskooda shaqo ee FIFA ku ekaanayey oo ay gaadhsiiyeen illaa 2019ka, sidoo kale waxa ay heshiiskan isugu qoreen abaalmarinno deeqsinimo ah oo ay helayaan haddii ay shaqada ka tagaan, sida in 17.8 Milyan oo doolar iyo 9.9 Milyan oo doolar sida ay u kala horreeyaan uu mid kastaa u helo haddii shaqada FIFA si kedis ah looga joojiyo ama dib loo dooran waayo Sep Blatter. Waxaa iyaduna used mudan in Sep Blatter iyo labadan masuul ay dhammaadkii ciyaarihii koobka adduunka ee 2010ka lacag dhan 23.4 Milyan oo doolar oo gunnooyin ah ka qaateen dalka Koonfur Afrika, lacagtaas oo afar bilood kadib dhammaadkii ciyaaraha la siiyey, wax heshiis ah ama xisaab caddaana ah laguma kala qaadan.

Sep Blatter waxaa hadda ku dhacay xukun afar sano ka mamnuucaya in uu faraha la galo wax hawlo kubadda cagta ah, waxa aana ku furan dacwado kale, sidoo kale Valcke ayaa dhowaan xilkii xoghayaha laga eryey sababta arrin la xidhiidha tigidho ciyaareed oo suuqa madow lagu iibiyey, waxa aana ku dhacay xukun 12 sano ka mamnuucaya arrimaha ciyaaraha kubadda cagta, halka Kattner isagana bishii hore 23keedii xilka laga qaaday kadib markii la sheegay in uu ku kacay falal meel ka dhac ku ah shaqadiisa, waxa isna toban maalmood ka hor FIFA laga eryey agaasimihii maaliyadda ee FIFA waxaana la sheegay in uu ku kacay arrin meel ka dhac ku ah shaqadiisa, baadhitaanna ku socdo.

Warkan oo uu Geeska Afrika soo turjumay waxaa lagu sheegay in xog badan oo aad u xasaasi ah oo arrntan la xidhiidha ay FIFA hayso, balse ay door bidday in aanay bannaanak u soo saarin ee ay si toos ah uun ugu gudbin doonto cidda ay arrintani khusayso.