Soomaaliyad Noqotay Muslimaddii Ugu Horreysay Ee Garsoore Ka Noqota Ciyaar Kubadda Cagta Ah Dalka UK

17
3186

London (Geeska)- Daqiiqadaha uu qofku marayo duruufaha ugu adag ayaa mararka qaarkood noqda barbilowga isbeddel weyn oo ku yimaadda jidka uu mustaqbalkiisa u marayey oo dhan. Waxa ay tan oo kale ku dhacday Jawaahir Rooble oo ah 24 jir Soomaaliyad ah oo mar hammigeeda koowaad uu ahaa in ay noqoto garsoore kubadda cagta ah.

Hiigsiga garsoorenimo ee Jawaahir waxa uu bilowday mar bilowgii iyada oo yar laga codsaday in ay dhexdhexaadiso ciyaar kubadda cagta ee hablaha ah oo ka dhacaysay degmada ay ku nooshahay ee woqooyi galbeed London.

Jawaahir markii ay soo gashay garoonkaas, waxaa durbadiiba quudhsi ku bilaabay ciyaartoygii ay dhexdhexaadinaysay, wawxa aanay dhegaha ugu rideen ereyo yasid ah. laakiin dheg uma ay dhigin hadalkooda, waxa keliya ee ay maskaxdeeda ku mashquulisayna waxa uu ahaa in ay ciyaartoyga, maamulka, daawadayaasha iyo cid kastaba u muujiso in ay u qalanto dhexdhexaadinta ciyaartan. Sidii ay rabtay ayaana ay noqotay oo daqiiqado kooban markii ay ciyaartu socotayba waxaa garoonka laga dareemay ixtiraam badan oo loo hayo. Maantana waxa ay ku hammiyeysaa in ay garsoorto ciyaaraha horyaalka ee Premier League iyo wareegga horyaalla qaaradad Yurub ee loo yaqaanno ‘UEFA Champions League”

Jawaahir oo lagu naanayso ‘Jiiji’ ayaa mar ay warbaahinta uga warrantay waayihii kala kulantay maalintii ugu horreysay garsoorenimada waxa ay tidhi, “Markii aan garoonka ciyaarta soo galay, wiilashii kubadda ciyaarayey ayaa cod la maqlayo si quudhis ah igu qoslayey ..” Waxa ay sheegtay in ciyaartoyga uu midiba mid weydiinayey bal in ay run tahay in gabadhan yari garsoore ka noqon doonto ciyaartooda. “Laakiin su’aalahoodaas imika waa ay joojiyeen?” ayaa ay tidhi, in kasta oo ay sheegtay in ay weli su’aalo badan is weydiiyaan.

Waxa kale oo ay Jawaahir ka cabatay in ay jiraan dad iyagu baraha bulshada ee internet ka ku faafiya dacaayado iyo weerar iyada ka dhan ah, waxa aanay sharraxday sida ay u aaminsantahay in ay suurtagal tahay in ay gabadh muslimad ahi garsoore ciyaareed noqoto. “Yaa yidhi, hablaha muslimka ahi garsoore ma’ noqon karaan?” ayaa ay Jawaahir tidhi, iyada oo sida oo kalana caddaysay in ay ku faanayso kuna dhaqanto diinteeda iyo waajibaadka ay farayso diintu.

Jawaahir ciyaartaas bilowga ahayd kaddib waa ay sii wadday shaqadii garsoorenimada kubadda cagta oo wiilasha iyo hablahaba leh. Sannadkii 2017 ka Jawaahir waxa ay ku guulaysatay abaalmarinta ixtiraamka, waxa aanay ka mid noqotoay 11 ka qof ee keliya ee laga soo dhex xushay kumannaan qof oo abaalmarintan loo sharraxay. Sida uu wargeyska ‘Standard Evening’ eek a soo baxa Ingiriisku shegayna Jawaahir darajada Lixaad ayaa ay kaga jirtaa heerar garsoorenimada. Waxa aanay waddaa tababarro dheeraad ah oo ay doonayso in ay darajooyinka sare ugu soo gudubto. Tababaraheeda oo warbaahinta la hadlayna waxa uu aad u ammaanay himiladeeda fog iyo kartida aadka u sarreeya ee ku jirta oo uu sheegay in ay suurtagal ka dhigayso in Jawaahir ay ka mid noqoto garsoorihii haween ah ee ugu caansanaa ee taariikhda soo mara.

Jawaahir waxbarashadeeda heer jaamacadeed waxa ay ku qaadatay cilmiga tiknoolajiyadda ee loo yaqaanno IT (Information Technology), laakiin waxa ay go’aansatay in aanay cilmigaas ku shaqayn ee ay ku shaqaysato xirfadda ay aadka u xiisayso oo ah garsoorenimada kubadda cagta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here