Soomaalida Ama Dadka Ay Dhaleen Ee Magaca Ka Kasbaday Dunida

14
899

hala halaWaxaa soo ururiyey: Kamaal A. Ali

 

Hargeysa (Geeska)- Dadka Soomaalida wax ka sheega qaar badan oo ka mid ah ayaa aaminsan in ay Soomaalidu tahay dad qalo badan oo ay ku adag tahay in ay dhex galaan bulshooyinka dunida ee kale, waxaana in badan dhacda in meel kasta oo ay tagaanba ay iyagu si gaar ah isu urursadaan. Qormadeennan maanta oo ah tii Sagaalaad waxa ay aynu si kooban ugu soo bandhigaynaa xog kooban oo ku saabsan dad Soomaaliyeed oo inta ay ku dhex milmeen bulshada ay dalkooda ku nool yihiin, kadibna ku guulaystay in ay magac fiican iyo sumcad u soo hooyaan naftooda iyo dalkaba.

11. Saba Anglana: Waa fannaanad Soomaali-Itoobiyaan Talyaani ah oo caan ka ah dunida Fanka ee dalka Talyaaniga iyo inta badan dalalka reer Yurub. Saba Anglana oo ku dhalatay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, aabaheed waxa uu ahaa Talyaani, laakiin muran badan ayaa ka tagaan qabiilka dhabta ah ee hooyadeed. Iyada iyo dadka taariikhdeeda dabagala badankoodu waxa ay sheegaan in Saba hooyadeed ay tahay gabadh Soomaalida Itoobiya ka soo jeedda oo waalidkeed u soo haajiray Soomaaliya. Saba Anglana dhowr jeer ayaa ay booqatay dalka Itoobiya oo la sheegay in reer abtigeed ay ku soo baratay, waxaana jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in beri dambe ay ogaatay in asalka hore ee hooyadeed uu ahaa Oromo, laakiin muddo hore qoyskeedu soo galeen Soomaaliya oo ay dhowr fac ku tarmeen. Waxase aanu muran ka jirin in Saba hooyadeed qudheeduna ay ku dhalatay magaalada Muqdisho.

Saba aabaheed waxa uu ahaa sarkaal ka mid ahaa taliyeyaashii Milateriga Talyaaniga ee ka qaybgalay dagaalkii labaad ee adduunka, laakiin dagaalka kadib oo uu isku buuq iyo diiqad badan dareemay ayaa uu u soo haajiray Soomaaliya oo uu Talyaanigu gumaysanayey, waxa aanu noqday macallin dad badan oo reer Muqdisho ahi ku xasuustaan dugsiyadii kala duwanaa ee xilligaa ka jiri jiray Muqdisho iyo gobollo kale oo Soomaaliya ka mid ah, xilliyadaa ayaanu guursaday guursaday gabadhan Soomaaliyeed ee Saba hooyada u noqotay. Markii ay talada Soomaaliya afgembiga kula wareegtay dawladdii Siayad Barre, waxa ay shaki badan ka qaadday sababta uu Saba aabaheed u joogo Muqdisho, waxaana shakiga sii xoojiyey taariikhdiisa milaterinimo iyo xidhiidhkii uu la lahaa saraakiishii gumaysiga ee Muqdisho, sidaa awgeed waxa ay dawladdii u aragtay basaas waxaana lagu qasbay in uu dalka ka baxo. Anglana iyo xaaskiisa Soomaaliyeed iyo labadiisa hablood oo ay midkood Saba oo markaa 5 sano jira ahayd ayaa u dhoofay dalka Talyaaniga. Halkaas ayaana Saba ku kortay.

Saba shahaadadeeda koowaad ee heer jaamacadeed, oo cilmiga Taariikhda ah waxa ay ka qaadatay jaamacadda Sapienza ee magaalada Roma, sannadkii 1990kii ayaa ay u wareegtay dhinaca fanka, waxa aanay noqotay jilaa ka qayb qaadata filimada Talyaaniga, in kasta oo ay sheegto in filimo badan ay ka qayb qaadan kari weyday midabkeeda awgeed, waayo ma jili karto ruux caddaan ah oo midabkeeda madow ayaa ku jira, sidoo kale ruux Afrikaan ah kaalintiisa ma qaadan karto oo midabkeedu waa uu ka cad yahay kan Afrikaanka, si kastaba ha ahaato ee, waxa ay si qurux badan ugu soo baxday filim taxane ah oo lagu magacaabo La Squadra, oo ay jilaysay gabadh Booliis ah oo wadata dhaqanka Talyaaniga iyo Soomaalida. Saba sidoo kale waaa heesaa isla markaana ah hal-abuur qora heesha. Waxaanay ku luuqaysaa heeso aad u tiro badan oo afka Talyaaniga iyo Ingiriisida u badan. Laakin haddana waxa ay aad u jeceshay Soomaalida iyo in ay wax badan ka barato dhaqanka reer abtigeed, afka Soomaaliga waa ay baratay oo aad u fiican ayaa ay ugu hadashaa, gaar ahaan lah-jadda Xamar Weyne oo ah halka ay hooyadeed ku dhalatay kuna barbaartay.

Saba waxa ay qaaddaa dhowr heesood oo Soomaali ah, sannadkii 2007dana waxa ay soo saartay Albam heeso cusub ah oo ay ugu magac dartay kelmadda Soomaaliga ah ee Jidka, Albamkan waxaa ku jira heeso Talyaani ah oo ay u qaadayso qaab dhaqameedka luuqda Soomaalida, sida hoobaaleyda oo kale, Saba waraysiyo badan oo ay bixisay waxa ay ku celcelisay sida ay u jeceshay Soomaalida iyo in ay tagto Soomaaliya, waxa aanay sheegtay in ay ku faanto in isirkeeda uu ku jiro jinsi Soomaali ahi.

Comments are closed.