Wasiirrada Cusub Ee Wasaaradaha Ganacsiga Iyo Hawlaha Guud Oo Xilalkii La wareegay

0
669

Picture1Hargeysa(Geeska)-Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Ganacsiga iyo Hawlaha Guud Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa si rasmi ah xilalkii wasaaradahaasi ugala wareegay Wasiirradii hore ee wasaaradahaasi.

Munaasabado wadajir ah oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah oo ay soo xaadireen tobaneeyo xubnood oo ka tirsan golaha wasiirrada iyo tiro kale oo agaasimayaal guud ah, waxaa ugu horayntii ka hadlay wasiirkii hore ee wasaarada ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo sheegay in wasaaradda ganacsigu tahay wasaarad weyn, isla markaana ay ka hawlgalaan shaqaale wanaagsan, mudadii uu xilka wasaaradda hayeyna uu awoodda saaray dhinaca shuruucda ganacsiga iyo maalgashiga waxana uu wasaaradda ku soo dhoweeyey wasiirka cusub ee wasaaradaas loo soo magacaabay.

 Wasiirka cusub ee wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa isna hadal uu halkaas ka jeediyey ku caddeeyey in uu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta la wareego hay’ad qaran oo mas’uuliyad balaadhan leh, waxaana uu sheegay in shaqada ay wasaaradani u xilsaaran tahay ay tahay arrimaha qabyada ka ah Somaliland maadaama ay ku tallo jirto Xukuumaddu in shaqooyin la abuuro, dhaqaalahana la kobciyo, wasiirku waxa uu ballan-qaaday in uu qorshahiisa koowaad ka dhiganayo kobcinta dhaqaalaha dalka iyo fududaynta maalgashiga shisheeye ee uu dalku u baahan yahay.

Dhanka kalena Wasiirka Cusub ee wasaaradda hawlaha guud Md.Cabdirisaaq khaliif Axmed ayaa si rasmi ah xilkii wasaaradaasi ugala wareegay Wasiirkii hore Md.Axmed Cabdi Maxamuud Xaabsade.

Md.Xaabsade waxa uu si faahfaahsan tafaasiil uga bixiyay qaab dhismeedka wasaaradda hawlaha guud oo uu ku tilmaamay inay ka kooban tahay Todoba waaxood iyo labo hay’adood oo kala ah hay’adaha Korontoda ee caasimadda iyo ta magaalada Berbera, isla markaana ay wasaaradani tahay mid ka wada balaadhan hay’adaha kale sidoo kalena ka dhibaato badan maadaama ay wasaaraddu mas’uul ka tahay Dhulka dawladda.

Wasiirka cusub ee wasaarada hawlaha guud Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa isna ka codsaday shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta wasaaradda inay ula shaqeeyaan sidii ay ula shaqayn jireen wasiirkii ka horeeyey.