Muuse Biixi Oo Hadhimo-sharafeed U Sameeyay Wasiirada Cusub

1
663

Picture2Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane CabdiRaxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka soo qeyb galay qado-sharaf uu Gudoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ugu sameeyay dhammaan Wasiirradii, Wasiirul dawleyaashii iyo Wasiir ku xigeenadii cusbaa ee todobaadkii hore uu Madaxweynaha Somaliland Magacaabay.

 

Xafladaas hadhimo sharafeedka ahayd waxa ka soo qeyb galay Guddoomiye Ku xigeenadda Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Yuusuf Axmed, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda iyo Hoggaanka KULMIYE.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa oo xafladaasi ka jeediyay hadal kooban ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo Wasiirrada cusub ee ku soo biiray Golaha Xukuumadda Somaliland, waxaanu u soo jeediyay inay dedaal iyo waxqabad muujiyaan.
Guddoomiyuhu waxa uu ILAAHAY uga baryay Wasiirrada cusub inuu xilkooda culus u fududeeyo.

Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa isaguna Wasiirrada cusub bogaadiyay isla markaana u soo jeediyay inay xilkooda u gutaan si dastuuri ah isla markaana ka shaqeeyaan horumarinta dalka.
Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada cusub oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay Guddoomiyaha KULMIYE marti qaadka uu u fidiyay.

Comments are closed.