Soojeedka Habeenkii, La Qabsiga Dhaqsaha Ah Iyo Cadho La’aantu Waa Calaamado Muujinaya Fariidnimada Qofka

0
169

Warbixin ay faafisay shabakadda wararka ee Aljazeera ayaa soo bandhigtay tilmaamo ay xeeldheereyaal kala duwani ka bixiyeen calaamado lagu garto garaad badnaanta qofka iyo xirfado u fudud qofka fariidka ah, oo ay ka mid tahay awood uu u leeyahay xallinta dhibaatooyinka. Tilmaamaha ay warbixintu sheegtay in lagu aqoonsan karo in qofka lagu arkay uu fariid yahay waxaa ka mid ah:

Goor dambe seexashada habeenkii

Cilmibaadihs ay samaysay kuliyadda London ee dhaqaalaha iyo cilmiga siyaasadda ayaa lagu ogaaday in dadka inta badan habeen soo jeedku ku badan yahay ama waqtiyada dambe seexdaa ay yihiin kuwa heerka celcelis ee maskaxdoodu uu sarreeyo.

Cilmibaadhayaasha oo baadhitaan ku sameeyey sababaha arrintan keeni kara ayaa sheegay in ay tahay arrin hidde raac ah oo uu dadku ka wato awoowyadii hore ee aadamuhu ka soo tafiirmay. Cilmibaadhayaashu waxca ay sheegeen in noloshii jirtay waqtiyadii hore ee aadamuhu ay awoowyadeen bartay faham ah in habeenka ay u aqoonsadaan waqti khatar badan.  Taariikhdu waxa ay ina bartay in dadkii hore si ay isaga ilaaliyaan cadowga dhinac kasta ay ka filanayeen ee habeenkii miran kara iyo xayawaanka dad qaadka ahaa ee habeenkii qadhaabta ay qasab kaga dhigtay in habeenkii ay saacado badan oo habeenkii ah soo jeedaan iyo in aanay guryaha aaminin ee ay bannaanka seexdaan. Dabeecaddaas oo la falgashay hormoonnada aadamaha ayaa ay khubaradu sheegeen in ay dhaxalsiisay soo jeedka habeenkii, gaar ahaan kuwooda maskaxda badan ee dareenkoodu feejigan yahay.

Dr. Catherine Francine oo ah bare cilmiga neerfaha ka dhigta jaamacadda Longwood ee dalka Maraykanka, isla markaana madax ka ah waada daraasaadka neerfaha ee isla jaamacaddan ayaa sheegtay in qofka oo habeenkii saacado dambe shaqeeya ama sideedaba shaqeeya saacado ka badan saacadaha shaqo ee aadamuhu caadaystay in ay sababto in qofku uu yeesho hal-abuur dheeraad ah, isla markaana ay xoojiso fikirka curinta qofka.

La qabsi fudud

Awoodda uu qofku u leeyahay la qabsiga hadba duruufaha iyo deegaannada ku xeeran, ayaa calaamad u ah heerka fariidnimadiisa iyo awoodda wacyigiisa oo ku filan in arrimaha hor yaalla uu ka arko jihooyin cusub oo kala duwan. In aad awood u yeelato aragtida xididdada dhibaatada iyo arrimaha kala duwan ee ay la xidhiidho ama saamaynta ku leh, waxa ay qofka u suurtagelisaa in uu helo xal aanay awoodin dadka kale in ay arkaan.

Furfurnaan iyo maad

Haddii aad leedahay dabeecad aan ka diiqadoon kaftanka xun iyo ereyada aan nafta raalligelin ee laguugu soo tuuro, waxa aad tahay shakhsi garaad badan oo fariidnimo lagu tilmaami karo.  Sida ay caddaysay cilmibaadhis natiijadeeda ay faafisay majalad lagu magacaabo ‘Cognitive Processing’ jawaabta uu qofku ka bixiyo hadallada kaftanka iyo maadsiga ah ee aan raalligelin iyo dareen celinta wejigiisa laga arkaa waxa ay calaamad u tahay heerka fariidnimadaada iyo sarraynta garaadkaaga.

Xeeldheereyaasha cilminafsigu waxa ay yaqaannaan wax lagu magacaabo ‘Maadaysiga madow’ oo ah kaftanka laga maadsado arrimaha sharka sida geerida, xanuunka, iinta abuurka ah ee qofka oo ay curyaannimadu ka mid tahay iwm iyada oo la adeegsanayo ereyo qosol ah. Waxa ay xeeldheerayaashu sheegayaan in qofku uu ka xanaaqi waayo ama xiiseeyaba kaftannada noocan ahi waxa ay calaamad u tahay in heerka celcelis ahaan fariidnimadiisu gaadhsiisan tahay ay sarrayso. Dabeecadda qallafsan iyo kulaylka oo qofka ku yar ayaa iyaduna ah calaamad muujinaysa fariidnimada qofka.