Ganacsade Cali Cumar Oo Dawladda Djibouti Uga Mahadceliyay Aaskii Wiil Uu Dhalay Ganacsade Cumar Caydiid

0
643

Hargeysa(Geeska)-Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed ayaa dawladda iyo shacabka Djibouti uga mahadceliyay sida ay uga qayb galeen aaska wiil uu dhalay Ganacsade Cumar Caydiid oo dhawaan geeriyooday oo lagu aasay dalka Djibouti.

Wefti isugu jira siyaasiyiin iyo ganacsato oo uu horkacayay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa Djibouti u tagay ka qayb galka aaska marxuumka uu dhalay Ganacsade Cumar Caydiid.

Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed oo Wargeyska Geeska Afrika la soo xidhiidhay ayaa yidhi, “Waxaanu Hargeysa ka baxnay annagoo uu na hoggaaminayo wasiirka waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye, waxaanan ka qayb galnay aaska wiilkii uu dhalay ganacsade Cumar Caydiid, dawladda Djibouti si wanaagsan ayay uga qayb gashay aaska, waxaana aaska joogay inta badan ee golaha wasiirada Djibouti oo uu horkacayay Raysalwasaaraha dalka Djibouti. Waxa kale oo aan dawladda Djibouti uga mahadcelinayaa sida ay u soo dhaweeyeen martidii reer Hargeysa ee aaska tagtay.” Sidaas ayuu yidhi Cali Cumar oo intaas raaciyay, “Alle waxaanu ka baryaynaa inuu inankaas u naxariisto oo uu Samir iyo iimaan ka siiyo aabihii Cumar Caydiid iyo hooyadii, umadda reer Djibouti dawlad iyo shacaba waxaanu uga mahadcelinaynaa sida ay aaska uga qayb galeen ee ay martidii reer Hargeysana u soo dhaweeyeen, una sharfeen ee ay u qaabileen.”