Ilmahaaga Bar In Seexashada Iyo Toosiddu Ay Leedahay Saacad Go’an, Laakiin U Fahamsii In Aanay Qasab Ku Ahayn

0
578

Waqtiga hurdo ka toosiddu waxa uu aad ugu xidhanyahay hadba waqtiga uu qofku marka hore seexday, sidaas awgeed carruurta oo loo ogolaado in ay hurdada ka toosaan goor dambe oo maalintii ah, xitaa haddii ay tahay maalmaha fasaxu, waxa ay keentaa in ilmuhu uu naco jadwalka hurdo ee ah in maalmaha uu dugsiga tegeyo, habeenka goor hore seexdo. Sidaas awgeed waxaa waajib ah in ilmaha loo ilaaliyo saacadda uu seexanayo oo joogto ah xitaa maalmaha fasaxa toddobaadka. Taasi waxa ay ilmaha ka caawinaysaa in uu helo hurdo ku filan, sida oo kalana aanu Khalkhal ku iman saacadda abuurka ah ee hawlaha iyo waqtiyada maalintii ugu jaango’an yihiin.

Hay’adda qaran ee faafimaadka hurdada ee dalka Maraykanka ayaa waalidka ubadkoodu xilliyada fasaxyada dugsiyada u ogolaada in ay seexdaan saacadaha dambe ee habeenkii, waxa ay kula talisay in toban maalmood ama ugu yaraan toddobaad ka hor furitaanka dugsiyada carruurta loo sii bilaabo jadwal hurdo oo ku jaan go’an saacada ay seexanayaan iyo goorta ay tahay in ay subaxdii hurdada ka toosaan. Arrintan ayaa ay xeeldheereyaashu sheegeen in ay caawinayso in saacadda bayoolojiga ah ee ilmuhu ay ku buuxsanto waqtiyada munaasabka ku ah ee ilmuhu uu hurdo ku filan heli karo isaga oo aan ka dib dhicin waqtiyada ay tahay in uu subaxdii dugsiga u kaco.

Carol L. Rosen waxa ay madax ka tahay waaxda adeegga hurdada carruurta ee kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Case Western Reserve oo ku taalla magaalada Cleveland ee gobalka Ohio. Mar ay u warramaysay shabakadda ‘Parents’ waxa ay sheegtay in hurdada oo loo sameeyo waqti joogto ah oo ku habboon da’da ilmuhu ay tahay arrin ay samaynteedu fududahay oo muhiimad aad u weyn leh.

Xeeldheerahan oo ka hadlaysay farsamo ilmaha lagu fahansiin karo in aan lagu qasbayn hurdada ee doorashadiisa iyo xorriyaddiisa la tixgelinayo, ayaa waxa ay sheegtay in waalidku uu isticmaali karo xeeladda ah in ilmaha uu kala doorransiiyo in uu imika seexdo iyo in uu seexdo waqti dambe oo laakiin aan ka badnayn 20 illaa 30 daqiiqo kaddib, “Ilmahaaga u sheeg in laga rabo in uu shan daqiiqo gudahood ku seexdo, laakiin waxa aad ugu dhigtaa qaab u eeg in uu go’aanka isagu leeyahay, tusaale ahaan; Ma hadda ayaa aad seexan doontaa mise shan daqiiqo kaddib? Laakiin iska jir in waqtigaasi uu noqdo mid aad hadba wax ka beddesho”

Waxa ay khubaradu sheegeen in waxyaabaha ugu fiican ee ilmaha ka caawin kara hurdada waqtiga go’an ah ay ka mid tahay in loo sameeyo hawl go’an oo uu maalin kasta hurdada ka hor sameeyo, tusaale ahaan in uu maydho hurdada ka hor ama in sheeko looga sheekeeyo hurdada ka hor. Arrintan ayaa ay sheegeen in ay tahay baraarujin dabiici ah oo ilmuhu si aan ku talagal ahayn ugu xasuusanayo hawsha u taalla iyo hurdada, waxa aanay caawinaysaa in maskaxdu isu diyaariso seexasho.