“Somaliland Talo Ma Jirto, Ee Xagga Rabbi Ayaa Laga Wadaa”

0
856

Guddoomiyaha UCID

Burco (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Soomaaliya taladeedii oo dhan kaga mashquushay sidii loo soo qaban lahaa Somaliland ee Midnimada loogu celin lahaa.

Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyey Munaasibad ka dhacday Magaalada Burco Shalay ayaa sheegay in Somaliland aanay Talo jirin, balse laga wado xagga Rabbi, sidaasi darteed Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kililka shanaad ee Itoobiya looga baahan yahay inay u markhaati furaan, maaddaama oo Soomaaliya ay xooggeeda oo dhan isugu geysay sidii ay u soo qaban lahayd Somaliland.

Guddoomiyaha UCID waxa kale oo uu sheegay in Dawladaha Kenya iyo Itoobiya aanay wadin Danta Soomaaliya, sidaasi darteed loo baahan yahay in Soomaalida kale ee Somaliland, Soomaalida Kenya, kuwa Itoobiya iyo Jabuuti ay iska kaashadaan sidii dhibaatada looga saari lahaa Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Arrinta Soomaaliya, Kenya ma waddo, Itoobiyana ma waddo, waa arrin Soomaaliyeede Afarteena kale aynu isku tagno oo aynu u talino.”

Guddoomiye Faysal waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya Dadka xilligan xukumaa ay taladoodii isugu geeyeen in Somaliland la soo qabto “Soomaali way iska dhaaftay taladeedii oo sidii Somaliland loo soo qaban lahaa ayuun bay xoogga saareen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Kilika Shanaadoow markii la idin haystay waanu idin Markhaati furi jirnay ee noo markhaati fura oo Kalmadda Xaqa ah noo dhaha.”

Eng. Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Madax ka mid ah Dawladda Soomaaliya u soo jeediyeen inuu qaato lacag dhan 1 Million oo dollar “Imikana way ka sii qasan tahay oo Ciyaal yaryar baa fadhiistay Villa Soomaaliya oo moodaya in Soomaali lacag lagu iibsanayo, hadda waxa ila soo hadlay Nin Mijir ah oo reer Afmadow ah, oo yidhi Alloore 1 Million oo dollar-na qaado, Garoonka noo qabo Helikoptero ayaanu ku soo degaynaaye..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Somaliland aanay talo jirin, balse Xagga Rabbi laga wado “Somaliland way iska barakaysan tahay oo ILLAAHAY baa wada, xagga Rabbi ayaa laga wadaa Somaliland ee talo ma jirto.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here