Dr. Xaglo-toosiye Oo Beeniyey In Guddoomiye-nimada Kulmiye Lagu Wareejinayo Wasiir Koore

0
671

Sool (Geeska) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Xukuumaddii Kulmiye ee hore Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa ka hadlay Warar Maalmihii u dambeeyay soo baxay, kuwaasi oo ahaa in Guddoomiye –nimada Xisbiga KULMIYE si ku meel-gaadh ah loogu dhiibayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore).

Saleebaan Xaglo-toosiye wuxuu sheegay in aanay waxba ka jirin Wararka sheegaya in Guddoomiye-nimada Xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE lagu wareejinayo Wasiirka Warfaafinta.

Dr. Xaglo-toosiye oo isagoo ku sugan Degmada Dharkeen-geeye ee Gobolka Sool la waydiiyey wuxuu kala socdo in Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) lagu wareejinayo Guddoomiye-nimada Kulmiye ayaa ku jawaabay “Arrintaasi wax jira maaha, Xisbigu Shirar ayuu leeyahay, Shirarkaasi way soo socdaan, waxaasi waa wax aad idinku (Warbaahinta) aad meelahaa ka tidhaahdeen, laakiin rasmi maaha..”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here