Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Iyo Su’aalaha La Iska Weydiinayo In Madaxweynuhu Wareejin Karo Guddoomiyenimada & Mustaqbalka Maxamuud Xaashi

0
730

Hargeysa(Geeska)-Shirweynaha xisbiga KULMIYE ayaa la mudeeyay inuu qabsoomi doono bisha June ee sannadkan.

Shirweynahan KULMIYE ayaa la filayaa in lagu doorto hoggaanka xisbiga ee shanta sannadood ee soo socota oo ah guddoomiye, afar guddoomiye-xigeen oo kala hoseeya iyo xoghayaha guud ee xisbiga. Waxa kale oo la dooran doona guddiga fulinta ee xisbiga.

Suaalaha ugu badan ee siyaasiyan la iska weydiinayo shirweynaha xisbiga ee bisha June iyo natiijadiisa ayaa waxa ka mid ah guddoomiyaha xisbiga oo uu Madaxweyne Biixi hadda hayo, waana su’aasha ugu adag ee aan weli jawaab rasmi ah loo haynin in Madaxweyne Biixi wareejin doono guddoomiyaha xisbiga iyo inuu sii haysan doono guddoomiyenimada xisbiga.

Hase yeeshee dad badan ayaa qaba inaanu madaxweyne Biixi wareejin doonin guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE, waxaanay dadka aragtidan qabaa aaminsanyihiin in Madaxweyne Biixi ka cabsi qabo inuu xisbigu galo tafaraaruq siyaasadeed haddii uu wareejiyo guddoomiyenimada xisbiga.

Dad kale ayaa iyaguna aaminsan in haddii aanu Madaxweyne Biixi wareejin guddoomiyenimada xisbiga, ay xisbiga; ay KULMIYE soo waajahi karto culays siyaasadeed oo kaga yimaada beelaha ugu awooda badan xisbiga.

Haddii uu Madaxweyne Biixi go’aansado inuu sii haysto guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE, waxa  iyana la isweydiinayaa inuu ogolaan karo in lagula tartamo gudaha shirweynaha xisbiga, waxase adag sida ay arrintani u dhacdo. Sidoo kale Madaxweyne Biixi haddii uu guddoomiyenimada xibsiga wareejiyo ma ogolaan doonaa in tartan xalaal ahi ka dhaco gudaha xisbiga, mise wuxuu calaamadin doonaa mid ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE ku bahoobay.

Suaalaha kale ee shirweynaha xisbiga KULMIYE ee bisha June la iska weydiinayo waxa iyana ka mid ah mustaqbalka siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga oo kal hore shaaciyay inuu u tartamayo guddoomiyenimada xisbiga.

Madaxweyne Biixi iyo siyaasigan ayaa waxa soo kala dhex galay madmadow ka dhashay dhawaaqii Maxamuud Xaashi ee uu ku muujiyay damaciisa iyo weliba khudbado uu ka jeediyay dalka dibadiisa oo uu safar ugu baxay markii uu iclaamiyay inuu doonayo in loo doorto guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, mana jiro wax kulan ah oo dhex maray Madaxweyne Biixi iyo siyaasigan tan iyo markii uu ku dhawaaqay damaciisa.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan ifafaalaha ilaa hadda muuqdaa ay muujinayaan  inaanay jirin wax fursad ah oo Maxamuud Xaashi uga banaan xisbiga KULMIYE wakhti xaadirkan, waxase suurtogal ah in waayaha siyaasadeed si fudud isu bedelaan.

Guddiga qaban qaabada shirweynaha xisbiga KULMIYE, waxa ka mid ah xubno siyaasiyiin ah oo Maxamuud Xaashi ku cambaareeyay damaciisa.

Si kastaba ha ahaate jawaabaha su’aalahan waxa bidhaamahooda la arki doonaa marka uu soo dhawaado shirweynaha xisbigu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here