Somaliland Oo Sheegtay Inay Shirkadii Shidaalku Sii Shaqaynayso Iyo Genel Oo Aan Weli War Soo Saarin

4
484

Picture7Hargeysa(Geeska)-Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay ku heshiiyeen shirkadii shidaalka baadhaysay ee Genel Energy in ay shaqadeeda dib uga bilawdo Somaliland.

Waxa dalka Ingiriiska wada hadalo kula yeeshay masuuliyiinta shirkadaas wasiirada arimaha dibada iyo macdanta,waxaanay xukuumadu war saxaafadeed kooban oo ay kulanadaas ay wada yeesheen wasiirada iyo shirkadu ay ka soo saartay ku sheegtay inay shirkadu shaqadeedii shidaal baadhista ahayd ay dib u bilaabayso.

Shirkadda Genel Energy, waxay hore warka ay ku cadaysay inay Somaliland uga baxday amni darro ay ku baahisay jariirada caanka ah ee World street journal, laakiin ilaa hadda may bixin wax war ah oo burinaya warkeedaas hore, laakiin dawladda Somaliland ayaa warkan sheegtay.

War-saxaafadeedkaas Somaliland oo dhamays tiran waxa uu u dhignaa sidan “Wasiirada Arrimaha dibeda iyo macdanta iyo tamarta, Maxamed Biixi Yoonis iyo Eng.Xuseen Cabdi Ducaale oo todobaadkii ugu danbeeyey socdaal shaqo ku joogay Dalka Ingiriiska ayaa kulamo la yeeshay madaxda shirkada Genel Energy oo hawlo shidaal baadhisa ka waday Jamhuuriyada Somaliland dhawaana sheegtay inay si ku meel gaadha u hakisay shaqadii shidaal qodista ayaa kulankaasi waxaa ka soo baxay sida ay noo xaqiijiyeen xubnahaa weftiga wasiiradu in shirkadaa Genel Energy aanay ka tegay Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ay hawsheedi sii wadidoonto.

Hakis-kaasina uu ahaa mid ay ka dhalatay amba fursad siiyey in ay ka soo baxdo in labada dhinac ay si dhaw oo xoogleh uga wada shaqeeyaan sidii hawshaasi looga gaadhi lahaa ujeedooyinkii laga lahaa, Dawlada Somaliland ay balan qaaday waxkasta oo fudaydinaaya siina adkaynaaya wada shaqaynta labada dhinac ay fulinayso, sidii hore iyo si ka sii wanaagsan.

Dhinac Shirkada Genel Energy ay u xaqiijisay wasiirada in ay shaqadii sii wadi doonto taas oo labada dhinacba ahmiyad weyn u leh.”

Comments are closed.