Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Sheegay Inay Somaliland Xidhay Xubno Al-Shabaab Ah, Kana Hadlay Xafiiska UNSOM Ee Hargeysa Laga Diiday

8
582

Picture8Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa golaha ammaanka Qaramada Midoobay u sheegay inay dawladda Somaliland diiday inuu xafiiska UNSOM  ka hawlgalo dhulka Somaliland, waxaanu sidoo kale sheegay inay Somaliland diiday ka qayb galka shirka Beljamka toddobaadkan ka furmaya oo dhaqaale loogu ururinayo Somaliya. Waxaanu sidoo kale sheegay inay Somaliland xidhay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ban ki Moon, oo Khamiistii warbixin siiyay xubnaha golaha ammaanka, ayaa wuxuu meelo kooban warbixintiisa kaga soo hadal qaaday Somaliland. “Xayiraadii la saaray duulimaadyada Qaramada Midoobay 15 May, waa la qaaday, ka dib markii ay Somaliland iyo Somaiya wada hadalo ku yeesheen Turkiga 7 -9 July, halkaas oo ay labada dhinac isku raaceen in la sameeyo guddi wada jir ah oo ka shaqaysa arrimaha duulimaadyada oo ay xaruntoodu noqoto Hargeysa. Hase yeeshe, safarkii uu ku tagay [Ergayga Qaramada midoobay ee Somaliland iyo Somaliya], Hargeysa 13 June iyo 14 June, maamulka Somaliland wuxuu ku wargeliyay ergaygayga, inaanu xafiiska UNSOM uu ka hawlgeli doonin Somaliland, iyadoo sababtuna tahay inaanu dhulkaasi ka mid ahayn Jamhuuriyadda Somaliya, UNSOM-na waajibaadkiisu uu yahay  inay Somaliya oo keliya ka shaqayso.” Sidaas ayuu warbixintiisa ku yidhi xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Isagoo ka hadlaya shirka dalka Beljamka toddobaadkan ka furmaya ee dhaqaalaha loogu ururinayo Somaliya, wuxuu sheegay in ergaygiisu ka qayb galay dhawr shir oo loogu diyaar garoobayo shirkaas, waxase uu sheegay inay jiraan caqabado kala duwan oo shirkaas ka hor u baahan in la waajaho, waxaanu intaas raaciyay, “Somaliland ayaa ilaa hadda diiday inay ka qayb gasho shirkaas New Deal, kaas oo ay u aragto inaanu khusayn Somaliland.”

Wuxuu Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay sheegay, inaanay jirin shaqaale caalami ah oo xafiiska UNSOM ka jooga Hargeysa, maadaama oo ay Somaliland xafiiskiisa diiday, “Diidmada Somaliland ee UNSOM awgeed, ma jiraan shaqaale caalamiya oo UNSOM ka jooga Hargeysa.” Ayuu ku yidhi warbixintiisa.

Mar uu ka hadlayay amniga Somaliland, wuxuu sheegay inuu ammaanka Somaliland degenyahay, balse wuxuu xusay inay jiraan dareeno ka dhex taagan dawladda Somaliland iyo maleeshiyaadka Khaatumo. Ugu dambayn wuxuu sheegay inay Somaliland ku guulaystay inay hawlgalo ku qaado oo ay xidho xubno Al-Shabaab ah,  “Sida la soo weriyay, Maamulka Somaliland wuxuu sidoo kale qaaday  hawlgalo guulaystay  oo uu ku soo xidhay xubno Al-Shabaab ah.” Ayuu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku yidhi warbixintiisa.

Comments are closed.