Madaxweynaha Maanta War Baa Laga Sugayaa: Geeska Afrika Staff Writer

0
451

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland md. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu maanta xadhiga ka jarayaa akademiyad loogu tallo galay inay ciidamada kala duwan ee dalku tababaro ku qaataan, waana duleedka Degmada dararweyne ee Hargeysa.

 

Waxa kale oo halkaas sida uu wasiirka gaashaandhigu hore u sheegay, wanqal loogu samaynayaa darajooyinkii dhawaan la siiyay ciidamada kala duwan ee dalka. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, oo la filayo inuu ka qayb galo, ayaa wuxuu halkaas ka jeedin doonaa khudbad. Khudbadda Madaxweyne Siilaanyo ee maantu waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay dalka ka jiraan dhawr amuurood oo qaranka soo waajahay, kuwaas oo ay ugu horayso shirkadda Genel Energy oo dalka uga baxday sababo ay ku sheegtay amni darro. Xubno wasiiro ah ayaa shirkadda wada hadal kula leh London, madaxtooyaduna xalay waxay soo saartay war ay ku sheegtay inay shirkadu dib u bilaabi doonto hawlaheeda. Laakiin shirkadda Genel oo markii hore eedaymaha ay Somaliland u jeedisay dhul dheer ka riday lagama hayo wax war ah. Sidaas darteed, Madaxweynaha waxa laga sugayaa inuu maanta arrinkan si waadix ah uga hadlo, umaddana u cadeeyo mawqifka uu ka taaganyahay eedaymaha ay Genel Energy ku baahisay Wargeyska World street Journal ee codka dheer, kuwaas oo dhigayay inay dalka uga carartay amni darro.

Qodobka labaad ayaa isna ah, shirkadda diyaaradaha ee Ethiopia oo joojisay duulimaadyadeedii ay ku iman jirtay Somaliland. War rasmi ah lagama hayo diyaaradda, waxase lagu xidhiidhinayaa laba qodob oo kala ah inay qawaday amniga madaarka iyo inay kalsooni darro ka muujisay dhabaha diyaaradaha ee garoonka Cigaal. Madaxweyne Siilaanyo waa inuu umadda u sharaxaa mawduucan. Sababtoo ah waxa ay xisbiyada mucaaradka iyo bulsho kala duwani ku eedaynaysaa xukuumadaada in si xun loo maamulay deeqdii 10-ka milyan ahayd, gaar ahaan 4.5 milyan Dollar oo la sheegay in la geliyay madaarka Hargeysa.

Munaasibadda uu madaxweynuhu maanta ka qayb galayo ee loo samaynayo ciidamada ammaanku, si toos ah ayay u taabanaysaa labadan qodob ee qaranka soo waajahay, sababtoo ah shirkadda Genel waxaabay iyadu si toos ah u cadaysay inay cabsi amni dalka uga baxday. 

Sidaas darteed, mudane Madaxweyne, waa inaad shacabka uga jawaabtaa su’aalahaas, kana siisaa jawaabo waafiya, haddii kale waxa dadka maskaxdooda ku dhex jiraysa eedaymahaas oo ay u arki doonaan kuwo jira, mar haddii uu hoggaamiyihii dalku ka jawaabi waayay.