Goob-joogayaashii Doorashada Djibouti Oo Sheegay Inay Dorashadu Xor Iyo Xalaal Ahayd

0
651

 

jabuutiDjibouti(Geeska)-Goob-joogayaasha doorashadii golaha Baarlamaanka ee dhawaan ka dhacday dalka Djibouti, ayaa sheegay inay doorashadaasi ku qabsoontay xor iyo xalaal.

Goob-joogayaasha oo ka kala socday ururada Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD iyo kuwo kale, waxa shirjaraa’id oo ay shalay ku qabteen hoteelka Sheraton ee Djibouti ku sheegeen in warbixinta ay soo saareen cadaynayso inay doorashadu ahayd mid si cadaalad ah u dhacday oo aanay  jirin boob iyo ku shubasho. Xubnaha shirkan jaraa’id ka hadlay waxay sheegeen inay kormeer iyo u kuur-gelis ku sameeynaynayeen qaabkii ay doorashadu u dhacday, iyagoo markii ay warbixintooda soo ururiyeena ay u cadaatay inay doorashadu ahayd mid cadaalad ah, waxaanay dalalka gobalka ugu baaqeen inay qabtaan doorasho la mid ah doorashadii Baarlamaanka Djibouti.

Shirkaas jaraa’id ka dib Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, oo goob-joogayasha ku qaabilay xarunta madaxtooyada, ayaa uga mahadceliyay goob-joognimadooda.