Somaliland Oo Dunida Islaamka Kala Mid Noqotay Dhaleecaynta Aflagaadadii Nebi Muxamed SCW

0
490

 

hargHargeysa (Geeska)- Shacabka reer Somaliland ayaa u muuqda inay ku biireen shucuubta islaamka ee samaynaya dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan filimka dhawaan lagu aflagaadeeyay Nebiga Muxamed SCW. Waxaana shalay uu dibad bax balaadhani ka dhacay degmada Borama ee xarunta gobalka Awdal. Horena wuxuu uga dhacay degmada Baligubadle ee gobalka Hawd.

 

Banaanbaxyadan oo ay reer Somaliland kala qeyb qaadaanayaan dunida muslimka ah ayaa dadweyne kala duwan oo sitay boodhadh iyo hal-ku-dhigyo lagu dhaleecaynayo filimka iyo aflagaadada loo geystay diinta Islaamka waxay socod ku mareen wadooyinka magaalada Boorama, halkaa oo banaanbaxaasi si nabadgelyo ah u dhamaaday gebagabdii.

Banaanbaxyadan oo ka dhacay dhamaan wadamada barriga dhexe iyo Aasiya ayaa la sheegay in dhamaan safaaradihii iyo Qunsuliyadihii dalalka reer Galbeedku ku lahaayeen wadamadaa la wada xidhan, cabsida banaanbaxayaashaa muslimka ah dartood.

Dalka Faransiiska, oo joornaal ka soo baxa lagu daabacay sawiro lagu dhaleeceeyey Diinteena Islaamka ayaa la sheegay inuu xidhay safaaradihiisii, qunsuliyadihii iyo xarumahii dhaqanka iyo iskuulo uu ku lahaa 20 wadan oo muslim ah.

Xukuumada Pakistaan ayaa jimcahii shalay ugu magac dartay “Maalintii aan jeclayn Nebigeena Maxamed CSW”, laakiin saacado ka dib hawada ka saartay isgaadhsiinta, si aan qolyaha argagasixasu uga faa’iidaysan weeraro.  "Waa waajib ina saaran inaan si nabadgelyo ah u banaanbaxno innagoo aan waxyeelo u geysanayn dadka ama burburinayn hantida," ayuu yidhi Raysal wasaare Raja Pervez Ashraf.

Xukuumada Washington aya auga digtay muwaadiniinteed au socdaalida Pakistaan, kuna bixisay dhaqaale xayeysiis gaadhaya $70,000 oo lagu baahiyey dalkoo dhan inaan xukuumada Maraykanku shaqo ku lahayn filimkaa.

Banaanbaxyadan ayaa sidoo kale ka dhacay wadamada muslimka Aasiya, sida Indonesia, Malaysia, Japan and Bangladesh, oo ugu yaraan dad gaadhayey 10,000 mareen wadooyinka caasimada Dhaka, ee Bangaladesh, ku dhaleecaynayaan filimka aiyo sawirada joornaalka faransiisku qoray.