Wasiir Duur Oo Sheegay Inay Xukuumadu Saamayn Ku Lahayd Doorashadii Somaliya

0
650

 

duurHargaysa( Geeska )- Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale ( Duur ), ayaa daboolka ka qaaday in ay cafis u fidinayaan dhalinyada reer Somaliland ee qaadatay fikirka Al-shabaab, hadii ay fikirkaas ay  qaateen ay dib ugu soo noqdaan.

 

Wasiirku waxa uu ka hadlay xidhidh ay la lahayeen siyaasiyiinta  talada Somaliya ku tartamaysay, isaga oo arintaas ku macneeyay inay ka dhex baadhayeen mid aan Somaliland Khatar ku hayn, sida oo kale waxa uu wasiir duur ka hadlay sharcinimada labada xil ee uu isku hayo gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Ciro.

Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale waxa uu arimahan kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu siiyay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan tilifishanka HCTV.

Ugu horayntii wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale isaga oo baaq u diraya  dhalinayrada reer Somaliland ee ka barbar dagaalnta ururka Al-shabaab waxa uu yidhi “ Rutii waxaanu ugu baaqaynaa xubnahii dhalinyarada ahaa ee fikirkaas qaatay dagaaladaasna ka qaybgalay haddii ay ka waantobayaan, oo ay taas ehelkoodii iyo dadkoodii kala xidhiidhayaan oo ay wanaag iyo nolsha daganaan ku joogayaan, waxaynu u fidin karaynaa cafis, waayo bina’aadamka oo dhan waa khaldamaa, haddii ay nolashoodii dib ay u bilaabayaan xubnaheenii halkanka tagay ee deeganadan uun ka soo jeeday, waxaynu ogalnahay in aynu soo dhawayno hadii ay ka waantoobayaan.”

Wasiir Duur oo la waydiiyay sida uu u arko sharcinimada labada xil ee gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Ciro, waxa uu yidhi “Waxa timi ma isku hayn karaa mise iskuma haynkaro, waxay u baahantahay in sharciga la waydiiyo oo ilaa hadda ma jiro markaan caqligayga ku eegay sharci odhan kara iskuma hayn karo, waayo dhammaan xilalka siyaasadeed ee heer deegaan, baarlamaan iyo madaxweynaba dhamaan xilka waxay ka wareegi karaan iyaga oo tartama, imika maayarada dalka oo dhan waa ay tartamayaan, waxa ay xilka ka wareegayaan marka gole deegaan oo kale la doorto, markaas tana waxay ila tahay in xil siyaasiya ay tahay qofkuna xaq u leeyahay xoriyadiisa kale ee siyaasadeed.”

Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale, oo la waydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa inuu jiro xidhidh ka dhexeeya isaga iyo madaxweynaha cusub ee Somaliya, waxa uu yidhi  “Shaqsiyan Isma naqaano ninkan madaxweynaha Somaliya ah, mana dhisin isaga, laakiin Somaliya waxa hubaal ah in aynu xidhiidh la samaynay, imikana aynu la samayno, xukuumada aan ka tirsanahay waxay Somaliya la waday wada hadal soo jiray, imikana insha allaahu lwaa lala sii wadi doonaa, raad waanu ku lahayn doorashadii, waayo waxa jirta cid u cadaw ah Somaliland iyo cid wada hadalkii lala sii wadi karo, markaas xidhiidhka aan la lahayn waxa uu ahaa xidhiidh war isgaadhsiineed, waliba aniga iyo xubno aan ku jiraa xidhiidhbaanu la lahayn war isgaadhsiineed, waxaanu ka taxadiraynay ciddii aanu wada hadalkii la sii wadi karno iyo cida aanan la sii wadi karin.”

Ugu danbayntii wasiir Duur waxa uu ka waramay warqad uu u gubiyay madaxweyne Axmed Siilaanyo, oo uu kaga codsanayay in doorashoda golayaasha deegaanka laga qabto deegaanada Xeebta galbeed oo lagu muransanyahay halka ay raacayaan, “ Runtii madaxweynaa warbaxin ayaan u gubiyay aan leeyahay goobahaasu waa goobo nabadgalyo ah, oo nabadoodu sugantahay dadkooduna u diyaar yahiin inay waxna doortaan lana doorto, xaq dastuuriyana ay u leeyahiin, waxa kale oo aan madaxweynaa u  sheegay in deegano kamid ah Somaliland maqnaanta ay doorashadu ka maqantahay ay inagu tahay nusqaan, sidaas awgeed waxaan soo jeedinayaa in goobahaas doorashadii ay xaqa u lahaayeen laga qabto, komishankana ogaysiin baan siiyay. Waxa dhiman muranka iyo talada kala duwanaashaha deegaanda ay dadkaas raacayaan gobal ahaan ama degmo ahaan, si taladu u balaadhnaato oo layla wadaago madaxweynaa waxaan u soo jeediyay in gudi ka balaadhan loo xilsaaro.”