Faysal Cumar Mushteeg Oo Si Heer Qaran Ah Shalay Hargeysa Loogu Aasay

0
756

 

musteegHargeysa(Geeska)-ALLE ha u naxariistee waxa shalay  si heer qaran ah loogu aasay Magaalada Hargaysa Marxuum Faysal Cumar Mushteeg oo ka mid ahaa Foolaadkii Fanka Soomaalida.

 

Aaska Marxuumka waxa ka qayb galay Wasiirrada Warfaafinta ,Kalluumaysiga,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, bah’da Fanka,iyo Dadweyne aad u tiro badan.

Madaxdii iyo Fanaaniintii ka qayb galay Aaska Marxuunka ayaa si qoto dheer uga sheekeeyay taariikhdii uu Marxuum Faysal Cumar Mushteeg ka soo qaatay Waxbarashada iyo Fanka ,iyagoo tilmaamay in marxuumku uu ka mid ahaa labeentii Waxbarashada Somaliland isla markaana uu macallin ka noqday deegaamo badan oo ka mid ah dhulka Somaliland iyo meelaha ay degaan dadka ku hadla Luuqada soomaaliga.

Waxaa kale oo ay ka warameen doorkii uu rabi ha u naxariistee Marxuum Faysal Cumar Mushteeg ka soo ciyaaray isbedeladii uu ku talaabsaday Fanku,waxaanu Marxuunku ka mid ahaa shakhsiyaadkii faro ku tiriska ahaa ee aqoonta fanka ku soo bartay Wadamada Masar iyo Jarmalka.

Alle ha u naxariistee waxa uu marxuumka lagu xasuustaa sidii uu heelada Soomaaliga ugu soo kordhiyay codadka caan baxay ee Qaraamiga.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay waxa uu ka xasuusto taariikhda marxuumka ayaa sheegay inuu u ahaa macalin, isla markaana ku tilmaamay shakhsi u dhashay wadaniyad,cod kar, iyo kaalintii uu ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta wadanka ,Waxaanu tacsi u diray Qoyskii,Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuun Faysal Cumar Mushteeg.

Sidoo kale Wasiirada Wasaaradaha Kalluumaysiga Mudane C.laahi Jaamac Cismaan (Geel Jire),Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal ,Warfaafinta Mudane Abiib Diiriye Nuur , ayaa Marxuumka ku sifeeyay qof ay muuqato wixii uu dalkan iyo dadkiisaba u soo qabtay,iyagoo intaas ku daray inuu ahaa aqoon yahan iyo macallin cilmiga waxbarasho ee uu soo bartay ay ka faa’iideen Siyaasiyiin badan oo dalka iyo dibadiisaba ku sugan.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamud Xiiray “Aadan Siiro”ayaa Marxuumka eebe uga baryay inuu naxariistiisii jano ugu deeqo. Waxaa kale halkaasi ka hadlay abwaano ay ka mid yihiin Xasan Xaaji C.laahi Xasan Ganey,Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays), Axmed Saleebaan Bidde,Fanaanada caanka ah ee Faadumo C/laahi Kaahin Maandeeq ,aqoon yahano iyo waayeel kale, oo sheegay inuu bahda Fanka ka baxay mid ka mid ah tiirarkii waaweynaa ee uu ku taagnaa.

Waxaa kale oo ay sheegeen in Marxuum Faysal Cumar Mushteeg aad looga jeclaa heesihiisa dunnida Carabta isagoo heeso badan ku qaada Luuqada Carabiga isla markaana uu saaxiib dhaw la ahaa Fanaaniinta Sayid Khaliifa Maxamed Wardi,Saalax Ibnu Baadiye iyo kuwo kale.

Waxaanay rabi uga baryeen inuu naxariistiisa jano ugu deeqo,Qoyskii, Qaraabadii,bahda Fanka iyo Shacbiga Somaliland uu ka siiyo Samir iyo Iimaan.