Somaliland Iyo ICAO Oo Ay Wada Hadalo Uga Furmayaan Khilaafkii Hawada Somaliland Iyo Somaliya

0
513

Picture3Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaarada Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay inay toddobaadkan dalka soo gaadhayaan wefti ka socda qaramada Midoobay oo uu ka mid yahay ergayga xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya, kuwaasi oo xukuumadda ay ka wada hadli doonaan go’aankii lagu xayiray duulimaadyadooda.

Wasiirka Wasaarada Duulista Somaliland oo shalay furay wejigii ugu dambeeyay mashruuca dib loogu casriyeynayo dhabaha diyaaraduhu ka kacaan ee madaarka Cigaal ee Caasimadda Hargeysa, ayaa sidoo kale fariin adag u diray dawladda federaalka Somaliya oo hore qaramada midoobay raali-galin uga siisay go’aanka Somaliland hawadeeda kaga joojisay diyaaradaha qaramada midoobay, waxaanu wasiirku sheegay inaan Somaliland la yooyootamayn masuuliyiin calafka ay cunaan yahay caawi shisheeye.

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, oo shir-jaraa’id ku qabtay dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ama ka soo deggaan ee madaarka oo markaasi lagu bilaabay saarida lakabkii u dambeeyay, ayaa sidoo kale tilmaamay in weftiga Qaramada midoobay ee Somaliland u imanaya go’aankii hore Somaliland u qaadatay aanay diyaaradahooda ku iman Karin dalka, balse ay soo kireysanayaan diyaarad khaas ah.

Wasiir Xaashi oo ugu horeyn sharaxaya mashruuca dhabaha garoonka diyaaradaha ee Hargeysa iyo marxaladihii uu soo maray ayaa yidhi  “Waxaad maanta (shalay) goob-joog saxaafaddiinu u tihiin wejigii u dambeeyay Madaarka diyaaraddaha ee Cigaal International Airport oo aanu bilownay, Madaarku wuxuu soo maray laba weji oo hore, mid waxa uu ahaa kii sahanka lagu samaynayey ee la calaamadinayey goobaha wax laga qabanayo, wejiga labaadna waxa uu ahaa dhabihii hore ee ka koobnaa 2.4cm-ka oo la goo’gooyey meelihii uu ka daacay oo dhan, meelihii aasaaskiisa dhagax ah lumayna dib loo soo kiciyey, wejigaasi oo 60% naafo iyo mood noqday oo isagana la soo dhameeyay”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Wejiga saddexaadna waa dhabahaa siman oo isku celceliskiisu yahay 7.5cm (Qiyaasta dhumucda jidka), maanta (shalay) ayaana la bilaabay, waana mashruuca qaybtii u dambaysay, waana lakabkii u dambeeyay ee la saarayo waxaanu ka kooban yahay 4cm, markaa waxaanu rejaynayaa inuu ku dhamaado muddo aan badnayn oo xiligii loogu tallo-galay la guddoomo (Shirkadda lagala Wareego), markaa mashruucu wuxuu u socdaa sidii loogu tallo-galay, waxaanuna rejaynaynaa inuu si dhakhso ah madaarku u furmo oo haddii Alle ka dhigo xagaagana laga soo dego.”

Wasiirka duulista oo la waydiiyay halka uu ku dambeeyay go’aankii ay duulimaadyada qaramada midoobay ku joojiyeen ayaa ku jawaabay “Go’aankii duulimaadyada qaramada midoobay sidii-buu u taagan yahay, wuu dhaqan galay, go’aan saxa ayuu ahaa, go’aan aanu ka qoomamaynayno maaha, qalad siyaasadeed oo aanu galnay muu ahayn, wuxuu go’aan sax ah oo wakhti ku haboon aanu qaadanay, wax xaal ahna ka bixin mayno, anaga ayaa lanooga garaabo doonaa”

Wasiirka oo sidoo kale la waydiiyey waxa uu ka odhanayo raaligalin Somaliya ka siisay Qaramada midoobay go’aanka Somaliland ayaa ku jawaabay  “Somaliland waa dal isku kalsoon oo ku tiirsan ILAAHAY ka sakow Maalkooda, Muruqooga iyo maskaxdooda, Somaliland uma hanjabi karaan mana handadi karaan, hasha aanu xidhanana ma furan karaan ragga ciidankaa ilaaliyaa yahay ciidan shisheeye, Calafka ay Cunaana yahay caawimo shisheeye, talada ay ku meel maraana ay talo shisheeye tahay, raggaa maanta yooyootami mayno”ayuu yidhi waxaanu intaasi sii raaciyey isaga oo ka jawaabaya inay dalka arintaasi u imanayaan masuuliyiin ka tirsan hay’adda ICAO oo uu hogaaminayo ergayga qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya “Wadahadalka Somaliland iyo qaramada midoobay wuu balansan yahay oo toddobaadkan ayay wefti miisaan leh ku imanayaan oo waanu wadahadlaynaa, Somaliland-na garbay joogtaa go’aankuna waa sidiisii”

Wasiirka oo la su’aalay in weftigaasi ay soo raacayaan diyaaraddaha Qaramada midoobay ayaa ku jawaabay “Ma Soo raacayaan oo diyaaraddahaasi way xidhan yihiin, waxay soo raacayaan diyaarad gaar ah oo ay soo kireystaan.”