Gudoomiyaha Gudiga Arrimaha Dibadda Ee Golaha Wakiilada Oo Cambaareeyay Shirkii Ay Xukuumadu Kenya Kaga Qayb Gashay

1
544

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha gudi hoosaadka arimaha dibada ee golaha wakiilada xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, ayaa nasiib daro ku tilmaamay in wasiirka arimaha dibada ee Somaliland uu ka qab galay shir meeqaamkiisu hooseeyay oo lagu taageerayay dib u dhiska Somaliya. Waxaanu daboolka ka qaaday in golaha wakiiladu uu u yeedhi doono wasiirka arimaha dibada waxna laga waydiin doono shirkaas.

Sida oo kale gudoomiyahu waxa uu xukuumada ugu baaqay inay tuhunka ka saarto siyaasada loona cadeeyo shacabka shirarka la tagaayo. Waxa uu sidan u sheegay Gudoomiyaha gudi hoosaadka arimaha dibada ee golaha wakiilada xildhibaan Xuseen Maxamed Cige isaga oo shalay u wara-maayay wargeyska Geeska Afrika, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay  “ Shirkaas dhawaan dhacay ee uu tagay wasiirka arimaha dibada loona qabtay Somaliya waxaan u arkaa in aanay haboonayn in uu tago, sababtoo ah kuwii ka waawaynaaba maynu tagin kan aadka u meeqaamka yarna in aynu tagno may ahayn. Waxa meesha ka muuqada in caalaamada Somaliya ay ka taagnayd miiskan uu soo fadhiistay wasiirkeenuna kama ay muuqan calaamada Somaliland runtiin taasi waa nasiib daro,meel kasta oo ayn u tagayno gar iyo gardaraba waa in calaamada Somaliland ay inaga muuqataa hadiise ay noqon waydo in aynu meeshaas  galnaba may ahayn.”

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Haddaanu nahay gudida arimaha dibada ee golaha waanu u yeedhaynaa wasiirka arimaha dibada gole waynuuna waa uu u yeedhayaa oo su’aalbaa laga waydiinayaa sidaan maqlaayay. Shirkan oo kale marka aynu eegno shir wasaarad arrimo dibadeed muu ahayn ee waxa uu ku saabsanaa wasaarado kale sida wasaarada ganacsiga cid wasaaradaas ka tagtayna may jirin ee waxa tagay wasiirka arimaha dibada oo kaliyaata, markay arintu baaxadaas leedahayna waxaan qabaa qaran baynu nahay qarankana waxa u wakiil ah golayaasha,xibiyada laakiin waxii kale ee intaas ka hooseeya ee qofi socdo ama laba ay socdaan tuhun ayaa ka galaaya siyaasadii dadweynaha, markaas hadaan wax la baydhinayn dharaar iftin ayaa la qashaa, waxa wanaagsan in tuhunka laga saaro siyaasada.”

Comments are closed.