Somaliland: Abuuritaanka Umulisooyin Lugeeya

0
542

Picture1Washington (Geeska/HuffPost)-Marwo Adna Adan Ismaaciil  waxay damacsan tahay gaadhsiinta dhakhtarka shacabkeeda iyadoo tababari doonta umulisooyin lugeeya oo socod ku gaadhsiiya adeega caafimaadka tuulooyinka Somaliland.” Sidaa waxa lagu qoray maqaal Sherly WuDum qortay.

 

Maqaalkaa oo lagu qoray Huff Post, ayaa lagu bilaabay, “Adna Adan weligay waxay iiga qiimo badnayd nolosha, dhinaca shaashadaha iyo aragtidaba, hamigeeda gaadhsiinta bulshada adeegyada caafimaadna keentay inay hirgeliso dhakhtarkii ugu horeeyey dhalmada ee wadankeeda. Maalin aan kulanay, waxay iiga warantay qorshaheeda balaadhan ee ku aadan sidii fikirka dalkeedu ka qabaan haweenku  u bedeli lahayd. Waxay doonaysaa abuuritaanka silsilad xidhiidhsan oo dumar dhakhaatiir loo tababaro adeega caafimaadka.”

Dal aan badi dumarkoodu si joogto ah u booqan xarumaha caafimaadka, isla markaana fikirkooda ku aadan kartida haweenku hoosayso, ayey Adna calanka u sidaa. Gabadhan hore Marwad koowaad u ahaan jirtay aya adhakhtarkeeda dhalamada dumarka ka dhistay goob xashiishka lagu ururin jiray, isla markaana ah boqcadii keliya ee Madaxweynahii hore ku caawiyey.

Maadama, qof walba aanu booqan dhakhtarka, Marwo Adna Adan Ismaaciil  ayaa damacsan gaadhsiinta dhakhtarka shacabkeeda iyadoo tababari doonta umulisooyin lugeeya oo socod ku gaadhsiiya adeega caafimaadka tuulooyinka Somaliland. Taasi waa ku deyashada ‘dhakhaatiirta lugeeya’ ee isaga gooshay tuulo tuulo dhulka Shiinaha, isla markaana noqday habkii ugu qiimaha jabanaa ee adeeg caafimaad lagu gaadhsiiyey malaayiinka ku nool dalka Shiinaha. Adna yaa sheegtay inay khibradaa u dhoofiso Afrika, oo hadii ay hesho $240,000 dhaqaalaha gaadhaya ee mashruucaa ku baxaya, u sahli doona sidii haweenka qaarada Afrika meel sare u gaadhi lahaa caafimaadkoodu.”