SOLJA Iyo Free Press Oo Saxaafada La Qaatay Kulan Lagu Gorfeeyey Dhaqaale Abuurka Warbaahinta

0
571

2020Hargeysa(Geeska) Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa shalay Hotelka Xaraf ee Hargeysa kulan ugu qabtay konton suxufi oo ka kala socday Hay’addaha warbaahinta, waxaana maalgelisay hay’adda caalamiga ah ee Free Press oo ka shaqaysa arrimaha kor u qaadidda aqoonta, tayaynta iyo xirfadda weriyeyaasha, waxaana ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, gudoomiyaha ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), agaasimaha fulinta ee SOLJA, xubno ka tirsan gudidda fulinta ee ururka SOLJA, qaybaha kala duwan ee warbaahinta ka hawl-gala dalka gaar ahaana caasimadda Hargaysa, sida TV-yadda, Idaacadaha, wargeysyadda iyo shebekadaha wararka (websites). Sidoo kale waxaa kulankaasi ka soo qayb galay xubno ka mid ah ruug-cadaayadda saxaafadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Mijir qaadi, Yoonis Cali Nuur, Maxamad Xasan Cali (Waji), Faysal Maxamed Cabdilaahi ( Fadhafadhle ), , iyo sidoo kale masuuliyiin ka socday ururadda bulshadda ee aan dawliga ahayn. Kulankaasi oo socday muddo hal maalin ah, ayaa u jeedadiisu ahayd sidii xal loogu heli lahaa dhibaatadda dhinaca dhaqaalaha ee haysata suxufitiinta ka hawl-gala dalka, iyadoo intii uu socday kulankaasi si qoto dheer loogu falanqeeyay sidii meesha looga saari lahaa lacagaha ay weriyeyaasha siiyaan ama iyaguba ka qaataan siyaasiyiinta marka ay wararka ka duubaan. Waxaana kulankaasi si weyn loogaga dooday shuruucda iyo xeerarka saxaafadda caalamku in ay u fasaxayaan weriyeyaasha in ay lacag ka qaadan siyaasiyiinta iyo war kasta oo ay duubaan iyo sidoo kale sababaha keenay ama ku kelifay in weriyeyaashu ay lacag ku xidhaan wararka ay duubaan, taasi oo ku keentay suxufiyiinta laftoodda in siyaasiyiinta ama ilaha wararka laga helaa ay ka qaadeen Sas, iyagoo ka cararaya in lacag la waydiiyo. Sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in la hello qorshe lagaga gudbo dhibaatadaasi oo la isla qaatay in ay xataa caqabad ku noqotay shaqadii suxufiyiinta isla markaana ay meel ka dhac ku tahay mihnadda saxaafadda, iyadoo arrimahaasi laga duulayo in loo baahan yahay ama la sameeyo nidaamyo kale oo taasi ka duwan oo ay suxufiyiintu dhaqaale ku abuuran karaan. Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta oo furay kulankaasi ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay in xal loo raadiyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha dhinaca dhaqaale yarida ee haysta warbaahinta Somaliland gaar ahaana suxufiyiinta. Waxaanu yidhi “Maadaama arrinka aynu maanta madashani u fadhinaa uu yahay sidee warfidiyeenadda dhaqaale loogu sameyn karaa, waxaa inala gudboon in aynu wax kasta oo ina hortaagan, oo caqabad inagu ah aynu dhamayno. Waxaa la inooga baahan yahay in aynu samayno falanqayn ah maxaa aynu ku fiicanahay, maxaynu ku xunahay, ,maxaa khatar inagu meersan iyo maxaa fursado ah ee aynu haysanaa, ,dabadeedna fursadahaasi awooda la saaro”. Waxa oo uu sheegay agasimaha guud in loo baahan yahay in la diiwaangeliyo warbaahinta dalka ka hawlgala si loo ogaado qaybaha iyo tiradda suxufiyiinta iyo sida ay u shaqeeyaan. “Mar haddii SOLJA ay maanta arrintan keentay waxaa loo baahan yahay in suxufiyiinta la diiwaan geliyo, si markaa loo ogaado wariye hebel muxuu qabtaa, mida kale waa inay khubaradu ogaadan weriyaha iyo meesha uu u shaqeeyo, maxaa xidhiidha ee ka dhaxeeya iyo arrimo kale” ayuu yidhi agaasime ilka case. gudoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in kulankani uu dabo-socdo kulamo hore oo lagaga hadlay sidii dhinaca dhaqaalaha looga taageeri lahaa warbaahinta Somaliland, isla markaana ay ka codsadeen qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah in ay wax kala qabtaan arrintaasi. waxaanu yidhi “Qodobadii ugu mihiimsanaa ee ka soo baxay kulankii aynu dhawaan qabanay, ayay ka mid ahayd in dhaqaale-kabis ama xagga dhaqaalaha laga taageero weriyayaasha iyo Hay’addaha warbaahineed si loo horumariyo. Waxaanu hay’adda FREE PRESS oo ah hay’ad caalimi ah oo ka hawlgasha wadanka isla markaana tababaro saxaafadeed siisa warbaahinta, ayaanu ka codsanay inay kulan cayn kani oo kale ah ay noo soo abaabusho, si aanu dood iyo falanqayn uga yeelano sidii loo kabi lahaa dhaqaalaha ururka iyo Suxufiyiintaba. Si aanu ugu soo bandhigno dawladda iyo hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniaga ah ee dalka joogaba iyo sidoo kale ganacsatada Somaliland oo taageero ururka SOLJA la barbar-taagan, in aanu u soo bandhigno sidii ay nooga caawin lahaayeen wixii doodan iyo falanqayntan ka soo baxa”. Guddoomiye Xuuto, ayaa ka sidoo kale mahad naq balaadhan u jeediyay hay’adaha iyo shirkadaha dhinaca dhaqaalaha ka caawiya ururka SOLJA. “Waxaanu madashan ku soo casuunay qaybaha kala gadisan ee bulshada si ay halkan ugu darsadaan fikirka ay u arkaan in suxufiyiinta Somaliland iyo hay’adaha warbaahinta ay dhaqaale kab ku heli karaan, waxaannu aad ugu mahad naqaynaa cidkasta oo taageerta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA”ayuu yidhi gudoomiyaha SOLJA. Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay suxufiga ruug-cadaaga ah ee Mijir Qaadi, oo ka waramay kaalinta ay warbaahintu kaga jirto bulshadda, isla markaana looga baahan yahay weriyeyaasha in aanay noqon kuwo cid gaar ah u adeega. Sidaas darteedna aanay mihnadoodda u adeegsan dhinaca xun. “Warbaahintu xasad-na malaha, nin jeclaysina malaha, waxaana looga baahan yahay dedaal badan. sababtoo ah saxaafada iyo wararka adaa ku nool ee iyagu kuguma noola. Markaa waxa loo baahan yahay in xagga wanaagsan laga eego, iyadoo aan nin jeclaysi iman, oo aanu jirin qof aad si toos ah u weerartaan, oo godob la’aan aad wadanka ku joogto, ayaa loo baahan yahay” ayuu yidhi Mijir Qaadi. Waxa kale oo uu sheegay Mijir Qaadi in haddii ay warbaahintu shaqsi si gaar ah weerarto ama lagu barto in ay lacag waydiiyaan masuuliyiinta in ay taasi wax u dhimayso sumcadoodii iyo kalsoonidii ay bulshadu ku qabtay wararkoodda. Waxaanu yidhi “Saxaafada haddii lagu barto inay wax uun iska maagto, warbaahintii waa ay qiimo beelaysaa, sidoo kale haddii lagu barto lacag way qiimo beelaysaa. Waxaana loo baahan yahay wax kasta oo sharaftiina iyo qiimahiina waxyeelayaba in aad ka fogaataan”. Yoonis Cali Nuur, oo ah khabiir la taliye u ah ururka SOLJA oo isna madashaasi ka hadlay ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay in la isugu yimaado oo fikrado lagu kala qaato kulamo lagaga hadlayo danaha warbaahinta. Waxaanu yidhi “Waxa sharaf inoo ah dhamaanteenba in meel la isugu yimaado, iyadoo laga wada hadlayo danaha saxaafadda. Dantan maanta madashan loo fadhiyo ee lagaga wadahadlayo sidii ay warbaahintu wax u wada qabsan lahayd, markaa qofkii lacag doonaya tukaan ha furto, laakiin haddii aad waayo aragnimo iyo aqoon doonayso iyo nolosha in aad fahamto waa in aad horumarisaan mihnadiina saxaafada, si qofku u helo nolol wanaagsan, waxaanan idin leeyahay is-diiwaangaliya”. Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Dhaqaale waa loo baahan yahay oo in TV-gii ama wargeyskii is bixiyo waa loo baahan yahay, laakiin haddii wixii aniga ii dan ahi ay warkii ka hor marto, khatarteeda ayay leedahay oo waxa ay noqonaysaa in aan wax dilno ama wax dhacno markaa in aad noolaato waad u baahan tahay, hase ahaatee si nadiif ah oo xalaal ah u noolow, budhcadnimo laguma horumaro ee si ay sharafi ku jirto u horumar”. Sidoo kale waxaa isna kulankaasi hadal kooban ka jeediyay Maxamad Xasan Cali (Weji) oo ka mid ah khabiiradda dhinaca warbaahinta, waxaanu sharaxay sida ugu haboon ee looga bixi karo caqabadaha warbaahinta hortaagan ee ah dhaqaale xumadda. Isagoo tilmaamay in wax soo saarka warbaahintu uu ku xidhan yahay hadba dhaqaalaha ay helaan inta uu leeg yahay.