Xildhibaan Dhaliilay Siyaasadda Xukuumada Siilaanyo

0
441

Picture1

Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Siciid Warsame Gaani oo ka mid ah mudaneyaasha aqalka golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in mudadii ay talada dalka haysay xukuumadda Siilaanyo ku fashilantay siyaasadii arrimaha dibadda, raadintii Ictiraafka, taabo galinta hanaanka dimuqraadiyada iyo dorashooyinka iyo sida oo kale kor u kac ku yimi heerkii maciishada, musuqmaasuqa oo uu sheegay in uu meel aad u halis ah maraayo, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in xukuumadda Siilaanyo mudadaas ay jirtay ku tumatay shuruucdii iyo distoorkii dalka.

Xildhibaan Siciid Warsame Gaani, ayaa hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu sida oo kale tibaaxay in ay ayaan darro tahay in xukuumadda Siilaanyo iyada oo ceebaheedu ay banaanka yaalaan hadana ay ku faanto in ay waxqabatay mudaddii ay jirtay.

"Xilka(Maan-date), waxaa ugu weynaa oo laga rabay in ay Somaliland caalamka ka mid noqoto oo ay raadiso ictiraaf buuxa oo ay Somaliland ka hesho beesha caalamka, xiligii ay xilka la wareegtayna hawshaas raadinteeda iyo arrimaha dibaddaba meel fiican ayey kula wareegtay oo bulshada caalamka meel fiican ayaa aynu ka maraynay, se taas maanta waa ay ku saaqiday oo waa ta maanta maraysa in kuwii innoogu dhawaa ee dariskeena ahaa aynu weyno, wadanku uu go'doon ku jiro, markaa runtii arrimahii dibadda xukuumaddani waa ay ku saaqiday oo ay ku fashilantay. Arrinta kale ee muhiimka ahi waxa weeye waa dimuqraadiyaddii Somaliland ay caalamka ku dhex galaysay ee la innagu mahadiyey, la innagu jeclaadayna sida oo kalena meel fiican maraysay markii lagu wareejiyey, taasna waa ay ku dhacday oo doorashooyinkii midbay qabatay oo waad ogeyd waxii ka dhacay dagaalkii iyo dilkii ka yimi markii ay qabatay tii dawladaha hoose, tii kale ee la rabay in ay 2015ka qabatana waa taas iyana ku saaqiday ee illaa inta ay beeshii caalamka iyo daneeyayaasha Somaliland ay ku kari la'yihiin qabo, Labadaasba horta waa ay ku saaqiday”.Ayuu yidhi Md.Siciid Warsame Gaani.

Md.Siciid Gaani oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in dawladii ka horeysay ee Daahir Riyaale, ay xukuumadda Siilaanyo ku wareejisay dawlad ay dadkeeda mideysan yihiin sida oo kalena ay sugan yihiin xuduudaha ay la leedahay wadamada kale.

“Waxaa kale oo meesha horta ku jira dawladii hore waxaa ay ka tagtay xukuumad dhisan, xuduudo xidhan iyo dal Somaliland ah oo heshiiyey, Somaliland-nimadooduna ay adag tahay, markaa marka ay sidaas ahayd xukuumadda Siilaanyo waxa laga rabey in uu haggaajiyo sharciyadii, nidaamkii iyo waxii kale ee dawladeed in uu sameeyo, ayaa la rabay, iska daaba wax uu ku daree waxaa luntay kala danbeyntii iyo dawladnimadii ayaa luntay, bal eeg wax kaleba iska daayo askartiisii illaalada u ahayd ee madaxtooyada ka shaqeynaysay, ayaa waxaa ay gaadhay in reero loo kala saaro oo qaarkood laga eryo meesha, qaarkoodna la xidhay iyada oo meesha laga saarayo oo qaar kale la soo galinaayo. Markaa dalku maanta waxaa uu gaadhay heer uu nidaamkii dawladnimo meesha ka baxo, musuq-maasuqii iyo waxii kalebana ay bataan.".Ayuu yidhi Md.Siciid Gaani.

Xildhibaan Siciid Gaani, waxaa uu sida oo kale ka hadlay kor u kaca ku yimi maciishada dalka mudadii ay xukuumada Siilaanyo talada dalka haysay, waxaana uu yidhi:"Xaga maciishada, waa la oggaa wakhtigii uu Siilaanyo dalka qabsaday Litirka Baadroolka ahi 4kun oo Somaliland/Shiling ah ayuu ahaa, maantaan hal dollar oo 8kun oo Shilinka Somaliland ah ayaa uu marayaa, maciishadii kalena hadalkeedaba oo biyaha ayaa ugu yar oo inta ay marayaan waad ogtihiin, markaa maanta in ay wax qabad sheegtaan maaha. Berigii inna Riyaale Afar daarood ayaa uu iibiyey, maantana waxaad ogtahay in aan jago iyo guritoona aan la iibin se waxiiba la xaraashay, wax cad oo lagu bedelay oo ah mashruuc shaqo abuurayana ama qaranka wax kale u qabanaya oo lagu bedelo ma hayo, meel lagu iibinaayana lama oggaado, nidaam Allaale iyo nidaam hantida umadda lagu xaraashayo oo lagu iibinaayo lama yaqaano.".

Md.Siciid Warsame, waxaa uu sida oo kale xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey in mudadii ay talada dalka haysay ay ku tumatay guud ahaan shuruucdii dalka sida o kalena ay baabiisay dawladnimadii dalka.

"Waxaad arkaysaa intii ay dawladnimo soo jirtay ee ay Somaliland jirtay, waa markii ugu horeysay ee sharci tumashada iyo dastuur jabinta ay xukuumaddani gaadhay in Baarlamaanka lagu xidho, Baarlamaan la xidhayna waa sharcigii oo la xidhay oo wadanka Somaliland la yidhaahdo oo burburay ayaa ay la mid tahay, inta jeer ee shuruucda dalka si walba loogu gefay, tira ma laha. Markaa haddii ay sharciyaddii iyo dawladnimadkii baaba'day, mar haddii ay Ictiraafkii iyo siyaasadii arrimaha dibadda ay ku saaqiday, mar haddii Dimuqraadiyaddii loo dhiibay ay caalamka si wanaagsan ugu la dhaqmi weyday oo aanay waliba gacanta maanta ku hayn oo ay halkaas marayso, mar haddii maciishadii iyo shaqo-la'aantii ay halkaas marayso, mar haddii ay sharciyaddii ku gefeen, mar haddii Somaliland oo markii xilka lagu wareejiyey xukuumaddan ay xuduuudaheedu u dhammays tirnaayeen, maanta aanay xuduud haynin, baddii haynin, dadkiina ay kala shaki galisay, waxa ay ku faanayaan miyaanay guul darro iyo Somaliland oo ay albaabadii u xidheen ahayn.".Ayuu yidhi Md.Gaani.

Xildhibaan Siciid Warsame Gaani, waxaa uu ugu danbeyntii uu u soo jeediyey xukuumadda Siilaanyo in ay doorashooyinka ku qabato wakhtiga ay ku heshiiyeen xisbiyada qaranku."Anigu waxaan leeyahay waxii aad dalkan yeesheen yeeshe e', waxaan idin leeyahay adeer doorashada waxii ay xisbiyadu ku heshiiyeen, caalamkuna innagula taliyey lagu qabto, waana mas'uuliyada madaxweynaha in doorashada la qabtaa, cid kale oo hawshaas ku shaqo leh, ma jirto, waa in uu qabtaa doorashada si kastaba ha u qabtee. Waxaa maanta muuqata in xukuumaddu aanay doonayn in doorashadu qabsoonto oo ay sii hana-qaado Dimuqraadiyada iyo dawladnimadu. Intii ay xukuumaddaasi qabsatay dalka diblomaasiyaddii iyo safaradii dawlada ayaa meesha ka baxay oo Carabta ayuunbaa xooggaa laga guranaayey, waxa ay kaliya ku faanayaan waa guryo la dhisay oo la qurxiyey, Sagaalka guri ee la dhisayna waxaa ay ahaayeen waxyaabahii xukuumaddii hore qorsheysnaa ee ahaa qorshayaashii ay ka tagtay oo baaqday ayaa ay ugu yimaadeen iyaguna, iyaga laftooduna waa dudumooyin oo tayo ma leh, waxqabadka la sheegayaana waa guri la dhisay oo la xar xardhay oo dhagax cas lagu sameeyey oo dad lagu naasnuujinaayo, markaa iyada oo ay sidaas tahay in ay maanta ku faanaan ceebtoodii oo banaanka taala, oo ay yidhaahdaan wax-qabad ayaanu qabanay, waa ayaan darro.".Ayuu yidhi Md.Siciid Warsame Gaani.