Jacayl Kelidii Qoys Ma Dhiso: Guur Hore, Balwadda Iyo Jeeb-Madhnaanta Ayaa Ka Mid Ah Sababaha Keena Furiinka

0
678

Sydney (Geeska)- Aqoonyahanno ku xeel dheer cilmiga bulshada oo u dhashay dalka Asutralia ayaa cilmibaadhis ay ku baadheen xidhiidhka lammaanaha isqaba waxa ay ku ogaadeen in waarista xidhiidhka lammaanuhu ku xidhan yahay arrimo badan oo aan ahayn Jacaylka. Waxyaabaha ay sida gaarka ah u xustayna waxaa ka mid ah, da’da lammaanaha is qaba iyo xidhiidhkooda jacaylka sida uu ahaa.

Daraasaddan oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda wadaniga ah ee Asutralia waxaa loo bixiyey, “What’s the love got to do with it” oo afkeenna ku noqonaysa, ‘Muxuu jacaylku ka taraa?’ muddadii uu baadhitaankiisu socdayna waxa ay khubaradu tijaabo ku sameeyeen 2500 oo lammaane oo is-qabay, intii u dhexeysay 2001-da illaa 2007-da, iyada oo isla markaana la barbar dhigay qoysaska is furay ama khilaafka adag soo kala dhex galay intii muddadaa u dhexeysay. Waxaana soo baxday in ninka oo gabadha ka weynaada Sagaal sano iyo ka badan iyo weliba lammaanayaasha is guursaday iyada oo gabadhu ka yar tahay da’da 25 jirka, uu guurkoodu inta badan ku dambeeyo furriin iyo khilaafaad adag. Sidoo kale waxa daraasadan lagu ogaaday in ubadku qayb weyn ku leeyihiin waaritaanka guurka iyo isfahamka lammaanaha.

Cilmbaadhistan waxaa lagu ogaaday in ninku uu sidiisaba abuur ahaan u jecel yahay ubadka, sidaa awgeed haddii ubad Alle siin waayo uu ka niyadjab qoysnimada taasina ay aakhirka burburiso qoyska. Waxa kale oo baadhitaannadan ka soo baxay in waalidka lammaanaha dhalay ay ka mid yihiin sababaha keena kala tagga iyada oo la ogaaday in boqolkiiba 16 lammaanayaasha isfura, uu gabadha ama ninka midkood waalidkii sabab u ahaa kala taggooda. Sababaha kale ee xusidda mudanna waxaa ka mid ah, isfahmi waa, lammaanaha oo midkood hore guur furniin ku burburay u soo maray ayaa iyaduna boqolkiiba 16 keenta kala tagga lammaanaha, oo weliba inta badan sababtu ka timaaddo labada midkooda furniinka hore soo maray. Waxa kale oo xusid mudan dhaqaale yaraanta iyo haynta labada ruux oo liidataa in boqolkiiba 16 sabab u tahay furniinka, balwadda oo sigaarku ka mid yahayna waa ay keentaa furniinka.