Siyaasiyiin 40 Jir Ka Yar Oo Dunida Caan Ka Noqday: Dhalinyaro Taladoodu Dunida Samaayn Ku Leedahay (6)

0
620

5Hargeysa (Geeska)- Qormadan xiisaha badan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa hoggaamiyeyaal iyo shakhsiyaad mansabyo sare haya oo da’doodu ka yar tahay Afartan sano oo dalalkooda caan kaga noqday awood iyo karti ama dunida magacoodu u soo shaac baxay.

Hoggaamiye da’ yare e woqooyiga fog:

1

Sigmundur Davio Gunnlaugsson oo 39 jir ahaa ayaa sannadkii 2013 ka loo magacaabay raysalwasaaraha jamhuuriyadda Iceland, kadib markii xisbigiisa iyo xisbi ay gaashaan-buur yihiin ay heleen aqlabiyadda kuraasta baarlamanka, taas oo sida sharciga dalku dhigayo sababtay in madaxweynaha dalkaas oo lagu magacaabo Olafur Ragnar Grimsson uu siyaasigan da’da yar u magacaabo xilka raysalwasaaraha. Sidaas oo uu Sigmundur ku noqday raysalwasaarihii abid ugu da’da yaraa ee soo mara taariikhda dalkaas. Ragnar Crimsson oo aqoontiisa jaamacadeed ay tahay Maamulka ganacsiga ayaa sannadkii 2009ka ku guulaysta doorashooyinkii baarlamanka oo uu ka mid noqday golaha xildhibaannada jamhuuriyadda Iceland.

Hoggaamiyaha ugu da’da yar kooxda 7 (G-7)

2

Matteo Renzi oo haatan da’diisu 40 jir tahay waa raysalwasaaraha dalka Ingiriiska ee tan iyo horraantii sannadkii 2014ka. Waa hoggaamiyaha dowladeed ee ugu da’da yar dalalka la isku yidhaahdo G7, isla markaana waa raysalwasaarihii ugu da’da yaraa ee soo mara dalka Talyaaniga muddo ka badan qarni iyo badh oo ku siman tan iyo sannadkii 1861kii.

Matteo Renzii oo dhashay sannadkii 1975kii waxa uu siyaasadda galay isaga oo aad u da’ yar ooo weli dhigta dugsiga sare, waxa aanu noqday duqa degmada Florence oo ah magaalada uu jaamacaddeeda ka bartay cilmiga sharciga, horteedna waa uu guddoomiye ka soo noqday isla gobolka Florence. Sannadkii 2012ka waxa uu ka qayb qaatay aasaaska isbahaysiga xisbiyada siyaasaddoodu bidix-dhexe tahay iyo kuwa dhinaca midigta xiga si uu uga qaybgalo doorashadii 2013ka laakiin waa uu ku guul-darraystay doorashadii hoggaaminta isbahaysigan.

Kacdoon iyo madaxweyne da’ yar:

3

Arseniy Petrovych oo dhashay sannadkii 1974kii, waa siyaasi, dhaqaaleyahan iyo sharciyaqaan u dhashay dalka Ukraine oo raysalwasaare dalkaas ka ahaa tan iyo sannadkii 2014ka kadib markii gadood dadweyne oo sannadkaas dhacay oo xukunka ka tuuray madaxweynihii xilligaas ee Viktor Yanukovych. Xilkan ka hor Arseny intii u dhexeysay 2005 illaa 2006 waxa uu dalkaas ka ahaa wasiirka dhaqaalaha.

Sannadkii 1992kii Arseniy oo da’diisu ahayd 18 sano oo keliya waxa uu madax ka ahaa shirkad dhinaca sharciga ah oo ka jirtay magaaladiisa, sannadkii 2005 waxa uu noqday ku xigeenka guddoomiyaha bangiga dhexe ee Ukraine isaga oo muddo yar kadibna guddoomiyaha bangiga noqday. Isla sannadkaas ayaa mar kale Arseniy loo magacaabay wasiirka dhaqaalaha oo uu hayey illaa sannadkii 2006da, sannadkii 2007da ayaa haddana loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda , isla sannadkaas 2007 illaa 2008 ayaa uu haddana noqday guddoomiyaha baarlamanka.