Dawladda Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabtay Baaqii Uu Midowga Yurub Ku Cambaareeyay Qisaastii La Fuliyay

0
570

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay dhambaal cambaarayn ah oo uu Midowga Yurub dawladda Somaliland ku cambaareeyay qisaas toddobaadkan lagu fuliyay afar askari oo hore u dilay saddex sarkaal ciidan iyo nin shicib ah.

1

Warsaxaafadeed uu soo saaray Midawga Yurub ayaa lagu cambaareeyey fulinta Qisaasta taas oo warka ka soo baxay Midawga Yurub lagu sheegay inay xadgudub ku tahay Xuquuqal Insaanka iyo sharafta Aadahana isla markaana aanay ahayn shay loo isticmaali karo cadaaladda. Hase yeeshee Wasiirka gaashaadhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Afrika, ayaa difaacay qisaastaas la fuliyay, isagoo cadeeyay inay Somaliland tahay qaran xor ah.  “Somaliland waa dawlad madax baxaan, tamarteeda, dhaqaalaheeda iyo go’aankeedaba iyada ayaa u madax banaan, oo go’aankeedana xor u ah, dad iyagu dil gaystay oo la xaqiijiyey oo Maxkamaduhu isku daba mareen, cid alaale cid fara galin kartaa ma jirto.” ayuu yidhi Wasiirku, oo intaas raaciyay “Ciddii fara galisaana ka faa’iidi mayso, maxa yeelay inagu Muslim ayeynu nahay,  in qof kii qof dila loo dilo, Diinteena ayaa inoo banaysay, qisaastana la fuliyeyna waxa loo raacay shareecada islaamka iyo amarka ILLAAHAY, oo cadaaladeena iyo nabadgalyadeena ayaa ku jirta ee  Ninkii durbaan  meel kale ka garaacayaa isaga ayey u taala laakiin anaga kor lanagama xukumo.”

Waa markii labaad ee uu Midowga Yurub cambaareeyo dilal ay dawladda Somaliland ku fulisay dad hore u laayay dad kale, kuwaas oo la fuliyay laba goor oo kala duwan.