Siyaasiyiin 40 Jir Ka Yar Oo Dunida Caan Ka Noqday: Dhalinyaro Taladoodu Dunida Samaayn Ku Leedahay (5)

0
582

8Hargeysa (Geeska)- Qormadan xiisaha badan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa hoggaamiyeyaal iyo shakhsiyaad mansabyo sare haya oo da’doodu ka yar tahay Afartan sano oo dalalkooda caan kaga noqday awood iyo karti ama dunida magacoodu u soo shaac baxay.

Caadifa Yaxya Aqa:

1

Caadifa oo u dhalatay Jamhuuriyadda dhowaan go’day ee Kosovo waxa ay dhalatay sannadkii 1975kii waana madaxweynihii afaraad ee hoggaamiya jamhuuriyaddaas, waana madaxweynihii ugu horreeyey ee haween ah. Caadifa Yaxya waa haweenay madaxweyne loo doortay ta ugu da’da yar ee dunida soo marta, madaxweynenimada ka horna waxa ay ahayd ku-xigeenka taliyaha guud ee booliiska Kosovo waxa aanay darajadeedu ahayd Sarreeye-gaas, darajadaas oo ah ta ugu sarraysay ee gabadhi ka gaadho ciidamada booliiska ee dhammaan dalalka dhaca gobolka Koonfurta-bari ee Yurub oo dhan.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in Caadifa murashaxnimadeeda rasmiga ah ay ku dhawaaqday maalin uun ka hor markii xilkan loo doortay, kadib markii ay sidaa ku heshiiyeen saddex xisbi siyaasadeed oo aanay iyadu midna ka tirsanayn.

Haweenaydan oo waxbarashadeeda jaamacadeed ay tahay dhinaca sharciga iyo amniga ayaa lagu tilmaamaa hoggaamiye karti badan oo awood u leh in ay isku waddo dad kala aragti siyaasadeed ah.

Caadil Ad-Durayfi:

2 JAN

Dr. Caadil A-Durayfi oo ah wasiirka warfaafinta ee dalka Sucuudiga, da’diisu waa 36 sano jir, waxaana lagu tilmaamaa nin deggen oo aanay is diidin ama si dhayal ah isu waafaqaan qof kasta oo ay kulmaan. In kasta oo ay mihnaddiisu saxaafadda tahay, haddana waa nin aan hadal badnayn, mansabka sare ee uu dhalinyaronimada ku gaadhayna aanay kibir ku abuurin. Waa nin hal-adag oo go’aankiisa socodsiiya, dareemana culayska masuuliyadda saaran, haddana aanay mar keliya dibnihiisu dhoolla caddaynta waayin.

Jaarles Misheel:

3

Isaga oo 39 sano jir ah ayaa uu qabsaday xukunka dalkiisa Belgium sannadkii 2014ka,  kadib markii uu cod iyo taageero ka helay afar xisbi oo ku midoobey dhismaha xukuumadda. Michel waxa uu ka dhashay qoys siyaasadda caan ku ahaa, gaar ahaan aabihii oo siyaasi saamayn leh ka ahaa dalka Belgium, markii uu 16 sano oo keliya jiray ayaa uu siyaasadda lugaha la galay, waxa aanu ka bulaabay ururkii dhalinyarada xorta ah ee Liberal ka, gaar ahaan magaalada Jodoigne oo aabihii duq ka ahaa. Kadib Michel waxa loo doortay xildhibaan golaha baarlamanka ah.

Sharciga ayaa uu ka bartay jaamacad ku taalla dalka Holland, sannadkii 2000 oo da’diisu ay ahayd 25 sano jirna waxa uu noqday wasiirka arrimaha gudaha, waxa aanu ahaa wasiirkii abid ugu da’da yaraa ee taariikhda dalka Belgium soo mara/ sannadkii 2011ka ayaa loo doortay hoggaamiyaha xisbiga Liberaalka, halkaas ayaanu golihii wasiirrada iskaga casilay, illaa aakhirkiina sannadkii 2014ka loo doortay raysalwasaaraha. Michel waxa uu noqday raysalwasaarihii ugu da’da yaraa taariikhda dalka Belgium.

Wiilka Vienna:

4

Sebastan Kurz oo ku magac dheer wiilka yare e Vienna si dhaqso iyo xawli badan ayaa uu u fuulay sallaanka madaxnimada iyo siyaasadda ee dalka Usteeriya, illaa uu noqday wasiir arrimo dibadeedka ugu da’da yar Midowga Yurub.

Sebastian Kurz oo dhashay sannadkii 1986kii, sannadkii 2013 oo uu 27 sano oo keliya jiray ayaa loo doortay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Usteeriya. Laakiin xilkan waxaa uga horreeyey kii uu naanaysta wiilka Vienna kula baxay oo ahaa sannadkii 2010 markii isaga oo 24 sano jiray loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee caasimadda Vienna.