Siyaasiyiin 40 Jir Ka Yar Oo Dunida Caan Ka Noqday: Dhalinyaro Taladoodu Dunida Samaayn Ku Leedahay (4)

0
752

5Hargeysa (Geeska)- Qormadan xiisaha badan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa hoggaamiyeyaal iyo shakhsiyaad mansabyo sare haya oo da’doodu ka yar tahay Afartan sano oo dalalkooda caan kaga noqday awood iyo karti ama dunida magacoodu u soo shaac baxay.

9. Boqorka dalka Bhutan waa hoggaamiyaha labaad ee ugu da’da yar qaaradda Eeshiya

1

JigmeKhesar Namgyel Wangchuck oo 34 sano jir ahi, waa boqorka ugu da’da yar boqorrada dunida oo dhan, isla markaana hoggaamiyaha labaad ee ugu da’da yar Qaaradda Eeshiya.  Waxa uu dhashay sannadkii 1980kii, waxa aanu kursiga boqortooyada ku fadhiistay sannadkii 2006 isaga oo da’diisu ay ahayd 26 sano.

Boqor JigmeKhesar cilmiga xidhiidhka caalamiga ah ayaa uu ka bartay jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska, waxaana lagu tiriyaa boqor siyaasado deggen ku haga boqortooyada 108 jirka ah ee Bhutan oo dadkeedu 742’700 yihiin. Waxa kale oo aad loogu ammaana siyaasadda isu-dheelli tiran ee uu kula shaqeeyo labada  dal ee ay deriska yihiin oo ah India iyo China.

10. Boqorka Carab ugu da’da yar:

2

Sheekh Tamiim Bin Xamad Aala Thaani oo da’diisu 34 jir tahay, waa amiirka dalka Qatar, waana ilmaha Afaraad ee carruurta uu dhalay Sheekh Xamad Bin Khaliifa Aala-Thaani oo ah aabihiisii uu xilka kala wareegay, waana ilmaha labaad ee ay dhashay xaaskiisa Mowsah Bint Naasir Al-Musnid, waxa aanu xilka la wareegay sannadkii 2013 o uu aabihii Boqor Xamad iskii boqornimada dalka uga tanaasulay.

Sheekh Tamiim waxaa lagu ammaanaa in uu ku dhaqmo siyaasad ay ka muuqato waayo aragnimo iyo masuuliyad dhinaca ammaanka iyo dhaqaalaha ahi. Waxbarashadiisa sare waxa uu ku soo qaatay dalka Ingiriiska gaar ahaan Akademiyadda milateriga ee Sandhurst.

11. Hoggaamiyaha ugu da’da yar dalalka Yurub:

3

Taavi Roivas oo 35 sano jir ahi waa raysalwasaaraha dalka Estonia, waana ka ugu da’da yar guud ahaanba hoggaamiyeyaasha dalalka Nidowaga Yurub, marka dhinaca adduunka la eegana waa hoggaamiyaha Shanaad ee ugu da’da yar. Waxa uu xilka qabtay sannadkii 2014 oo uu 33 sano jir ahaa.

Taavi Roivas oo ka baxay jaamacadda ugu facaweyn jaamacadaha woqooyiga Yurub oo lagu magacaabo Tartu waxa uu dhashay sannadkii 1979kii waxa aanu siyaasadda galay sannadkii 1998kii oo isaga oo 19 jir ah uu ku biiray xisbiga Liberal ka. Intii u dhexeysay 1999kii illaa 2002 diina waxa uu noqday la-taliyaha wasiirka caddaaladda, halkaas oo ahayd jaran-jarradii uu ka fuulay mansabyada siyaasiga ah oo ay ka mid ahayd in sannadkii 2005 ta loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee caasimadda dalkiisa Tallinn.

Sannadkii 2012ka oo uu noqday wasiirka arrimaha bulshada waa uu ahaa xubinta ugu da’da yar golaha wasiirrada ee dalkiisa, sannadkii 2014 kana waxaa loo doortay raysalwasaaraha dalka.