Siyaasadaha Dunida Carabta Ee Itoobiya Ku Waajahan Iyo Dareenada Ku Xeeran

0
578

 

 

Picture2Addis Ababa(Geeska)-Wargeyska Ethiopian Repoter, oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa warbixin ka qoray siyaasadaha dawladda Carabta ee ku waajahan Itoobiya iyo weliba dareenada Itoobiya ka qabto.

Wargeysku, wuxuu toddobaadkan qoray faallo dheer oo uu kaga waramay siyaasadaha dawladaha Carabta, waxaanu ku bilaabay sidan: 

Toddobaad ka dib, hadal khilaaf keenay oo uu sheegay wasiir-xigeenka Gaashaandhiga sacuudiga,  Prince Khalid bin Sultan, wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga, Prince Saud Al-Faisal, ayaa sheegay in dalkiisu aad u xiisaynayo inuu balaadhiyo xidhiidhka uu la leeyahay dawladda Itoobiya.

Sida laga soo xigtay wasiirka khaarajiga Sucuudiga, labada wadan waxaa ka dhexeeya xidhiidh fog oo qoto-dheer. "Hijradii ugu horeysay ee islaamku sameeyo waxuu ku tegay dhulka Xabashida, isla markaana xidhiidhka ka dhexeeya shacabka labada wadan waa mid fog oo muhiim ah,” ayuu sheegay.
Sida uu falanqeeye siyaasadu, odhaahdan ayaa loo macnayn karaa xadidaada khasaarahii. Sida uu sheegay, Prince Al-Faisal, waxa jira xidhiidh horumar koraya oo Itoobiya ay wadaagaan, dhinacyo badana ah, sida xidhiidh ganacsi oo u dhexeeya labada wadan.

Waxuu raaciyey in labada wadan ka shaqeynayaan sidii loo demin lahaa xaaladaha geeska Afrika. Si kasta ha ahaate, hadalkii khilaafka dhaliyey ee masuulka sare Sacuudigu ka sheegay Qaahira, ee ku saabsanaa biyo-xidheenka Itoobiya dhisanayso ayaa dadka qaar u arkaan khalad siyaasadeed weyn.

Sidoo kale, xukuumada Itoobiya ayaa dalbatay sharaxaad laga siiyo hadalkii safiirkii hore Sacuudiga u fadhiyi jiray Itoobiya, ee safiirku ku dafiray odhaahdii wasiir ku xigeenku metelayso mowqifka sacuudiga.

Xidhiidhka dibedda
“Masar ayaa shaki la’aan ah dalka ugu awood badan wadammada carabta, isla markaana , dadka falanqeeya siyaasada ayaa qaarkood sheegeen in xidhiidhkii aduunka ee Masar isbedel ku yimi, gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha amaanka. Halka qaar kale sheegayaan, arrimaha xilligan ka taagan gudaha dalkaa ay geyeysiiyey in horumarkii mid soo baxaya noqdo.

calaamadihii ugu horeeyey waxay muujinayeen xidhiidh soo koraya oo ay la yeelatay wadamo aanay hore u lahaan jirin, ilaa markii Madaxweyne Mursi xilka qabtay, booqashadana ku tegay Itoobiya shirkii Midowga Afrika, taasoo tilmaamaysay in ururka Ikhwaanu-muslimiin jiho cusub u furay siyaasada arrimaha Dibedda Masar, balse, dad badan ayaa qaba in lixdii bilood ee u dambeeyey kooxdaasi dib ugu noqdeen siyaasadihii xilligii Mubaarak, sannadaha soo socdana sidaa ku sii jiri doonaan. Sidaa daraadeed, saaxiibadii Masar ayaa ula qabsanaya hogaanka Masar siyaabo kala duwan.

Markaad eegtid, xidhiidhka Masar iyo wadammada Khaliijka, ayaa badi ku dhisnaa sidii ay isaga kaashan lahaayeen is-balaadhinta shiicada ee gobolkaa, balse dabakhaada Masar ee siyaasada ayaa wadamo badan shaki ka muujiyeen.

Masar ayaa wakhtigii Mubaarak shaki ka qabtay Iran, isla markaana ku naaloonaysay xidhiidh wanaagsan oo Maraykan ka dhexeeyey, iyo Sacuudiga oo dhufays adag uga ahayd dalkaa Shiicada ee Iran.
Qaar falanqeeyaasha siyaasada ka mida ayaa qaba hadii Sunniga Sacuudigu waayeen Masar, markaa waxay halis u yihiin Iran, waana xaalada ka taagan xilligan Nile-ka.

Wondwossen Michago, oo khabiir ku ah webiga Nile, ayaa sheegay inaan Nile-ku weligii mid fudud ahayn, “Waxa weligii indhaha ku hayey dalal shisheeye. Tusaale ahaan, 1970-kii, markii Masar iyo Yhuudu heshiis wada saxeexdeen, waxa jiray qorshe lagu bedelayo qaabka biyaha Nile, oo qaarkood la soo gaadhsiinayey Gaza, heshiiska dartee.”

 Dad ayaa qaba in wadamadda Carabtu u arkaan Itoobiya sida Masar u aragto, iyagoo ka eegaya nile-ka. Wondwossen ayaa sidoo kale la xidhiidhiyey fikrada u soo leexinta biyaha nile dhinaca Gaza, si looga dhigo biyo carbeed, sida hadalka wasiirka sacuudigu u sheegay. “Biyaha Nile waxa loo arkaa inuu yahay webi Afrika, balse doonayaan inay ka dhigaan webi Barriga dhexe.” ayuu Wondwossen u sheegay The Reporter.
Sida uu qabo Wondwossen, biyaha Nile waxa weligood loo arkayey arrin loo qaloociyo wadan gaar ah arrimahiisa gudaha. Tusaale ahaan, su’aasha lahaanshaha deked, waxay muujinaysaa arrin ka baxsan arrimaha kale, sidoo kale ayuu Nile u yahay arrinka wadamo kale.”

“Arrinka leexinta, waxa laga yaabaa inuu ku yimi gu’ga Carabta. Sacuudiga ayaa sidoo kale waajahaysa kacdoon noocaa ah, markaa sacuudiga waxuu u adeegsanayaa arrinka Nile qorshe uu aragtida ku leexinayo. Hadalkii wasiir-xigeenka ayaan si weyn looga soo dhoweyn Masar, taasoo tilmaamaysa, shakiga Masar, iyo siday isaga ilaalinayaan gelitaanka halis.”

Qaar badan ayaa qaba inaanay jirin saaxiibtinimo dhamaystiran oo u dhexeysa wadamadda, dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshada, markaa, qaarkood, hadalkii dhowaan ee wasiir-xigeenka ayaan layaab u arkayn. Siyaasada aduunka iyo xidhiidhada waxay leedahay laba weji. Saaxiibtinimadu waxay leedahay cadow, ayuu cadow ku doodaa.

Weli badi shacabka Itoobiya ayaan ku qanacsanayn talaabada xukuumadooda, ee ku waajahan dhawaaqii wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga. Markaa dhacdadaa ayaa keeni karta jaahwareer shacab in sacuudigu saaxiibkood iyo cadowgooda kuu yahay?

Inkastoo sarkaal Sacuudiga ahi farta ku fiiqay Itoobiya, kuna eedeeyey halis, xaalada wakhtigan ayuu mugdi kaga jiraa bulshada, in sacuudigu halis ku yahay xasiloonida Geeska Afrika.