Eng. Kayse Oo Cambaareeyay Hadal Ka Soo Yeedhay Gudomiyaha Guurtida

0
486

5Hargeysa(Geeska)-Eng. Kayse Yuusuf Cali, oo ka mid ah madaxda urur siyaasadeedkii Xaqsoor, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalo ku jiray khudbad uu guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ka jeediyay fadhigii golaha ee Isniintii.

 

Md. Saleban, ayaa khudbadiisaas wuxuu ku muujiyay in doorashadii goleyaasha deegaanadu ay tafaaruq ku keentay shacabka dhexdiisa, waxaanu golaha ugu baaqay sida ay lagama maarmaanka u tahay in laga hawlgalo sidii loo dhammaystiri lahaa turxaantaas. Hase yeeshe Eng. Kayse, oo shalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay inay kala fogyihiin hadalka uu wakhtigan jeeiyay iyo jawaab uu Saleban dhawr bilood ka horsiiyay qaar ka mid ah madaxda Xaqsoor oo ula tagay tallo ahayd inuu wax ka qabto dhibaatooyinka ka dhashay doorashadii deegaanada. Waxaanu Mr. Kayse, sheegay inuu guddoomiye Saleban wakhtigaas ugu jawaabay, “Anigu waxyaabaha noocaas ah ma galo.”

Kayse, oo arrimahan ka hadlayaa wuxuu yidhi “Waxa jirta murti caan ah oo tidhaahda Geeljire dhwaan diidoow dheeraan ku daba roor. Waxaan ku keenay waxaanu la yaabanayn xukuumadda Siilaanyo iyo fowdadii dhacday iyo qaabkii ay u maamushay oo aan ku masaali karayay inay kaba sii liidatay ninkii geeliisa daayacay iyo siday meel cidla ah u gab gab leedahay. Annagoo taa la yaaban odaygii Saleban ayaanu wefti u dirnay 23 September, waxaanan ku nidhi wadanka oday ayaad u tahay oo golihii ugu sareeyay ayaad madax ka tahaye arrimahan wax ka qabo. Wuxuu noogu jawaabay waxyaabaha noocaas ah anigu ma galo.” Isagoo eng.Kayse, hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, “Markii uu jawaabtaas nagu yidhi laba cisho ka dib ayuu dhoofay, imikana markuu soo noqday, waxa isu kaayo qaban waayay luuqadda uu ku hadlay iyo luuqadii uu maalintaas ku hadlay. Waxaan isleeyay maalintaas aanu u tagnay arrimuhu way dhawaayeen oo  haddii uu ka hawlgeli lahaa waxbaa ka suurtogeli lahaa, maantase iyadoo xeedho iyo fandhaal kala dhaceen wuxuu ka dhiganyahay Geeljire dhawaan diidoow dheeraan ka daba roor.”

Kayse, wuxuu guddoomiyaha golaha guurtida ku dhaliilay qaabka uu arrimahan uga hadlay iyo qorshaha uu doonayo inuu ku galaba, isagoo yidhi “Halkuu wax ka bilaabayna waa khalad, oo dhawr bilood ka dib ayaan guddi saarayaa, waxaanu u arkaynaa Xaqsoor ahaan geeljire dhawaan diidoow dheeraan ka daba carar. Xaajaduna waxay ku fiicnayd goorta ay wax ka qabasho lahayd inuu wax ka qabto, halkan uu taabtayna iyo talooyinka uu bixinayaana kuwii umadda dawayn lahaa maaha ee waa kuwo sii kala tuuraya. Waxaanu u soo jeedinaynaa Inuu halkaas dib uga laabto oo uu wax waxan ka duwan la yimaado, xaaladu meel adag ayay maraysaaye. Markaas hadalkaas Saleban ka soo yeedhay maaha mid noo cuntamay, wax aanu ka filaynayna maaha.”