Siyaabo Arxan Darro Ah Oo Dhaqannadii Hore U Dili Jireen Qofka Xukunka Dilka Ah Lagu Fulinayo (Q. 2aad)

0
603

1Riyaad (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay MBC waxa ay soo bandhigaysaa habab taariikho hore bulshooyinka dunidu u fulin jireen xukunnada dilka ah, laakiin hababka hadda la isticmaalo kaga duwanaa, qofka oo aanay nafta uga raaxaynayn balse silic iyo xanuun daran uu qofku marayo ka hor inta aanu dhiman, waxa aanay kala yihiin:

Qofka oo labadiisa dhinac qori la isaga saaro:

Habkan oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo Impalement Carabtuna u taqaanno Khaasuuq waxaa la taagayaa qori af sida leebka ah loo sameeyey oo dhulka ku dhidban, kadib qofka dembiilaha ah ee dilka lagu fulinayo ayaa dusha sare oo ah fiiqan ee qodinka ah ku fadhiisiyaan iyaga oo xagga dambe ku beegaya afka fiiqan, kadibna mar keliya qofka miisaankiisa hoos loo sii wada deynayo si uu qorigaasi inta uu xagga dambe ka soo galo afka uga baxo. Habkan waxaa looga dan leeyahay in qofka aanay naftu si dhaqso ah uga bixin, sidoo kale waxa uu habkani ka hortagayaa in qofku uu dhiig badani ka yimaaddo, oo gudaha ayaa  uu dhiiggu ugu noqonayaa jidhka. Dadka qaar maalin dhan ayaa ay ku qaadataa in ay naftu ka baxdo.

Habkan waxa uu caan ahaa qarnigii Shan iyo Tobnaad oo ay si aad ah u isticmaaleen Roomaaniyiintu, laakiin waa looga horreeyey oo sida taariikhda ku xusan, Boqorkii Faarisiyiinta ee Daaryuus kii koowaad ayaa markii uu qabsaday magaalada Baabil ee dalka Ciraaq waxa uu habkan u dilay 3 kun oo qof oo uu qabtay. Waxa kale oo habkan qarnigii 17aad laga isticmaalay dalalka Sweden iyo Denmark iyada oo weliba wax laga yar beddelay oo laga dhigay in qorigan la geliyo laf-dhabarta iyo maqaarka dhexdoooda si qofku uu silic ugu sii noolaado Afar illaa Shan maalmood.

Dhinaca Carabta marka loo kacana habkan waxaa dalka Ciraaq ka soo bartay Turkiga oo xilligii Cusmaaniyiinta isticmaalay, iyada oo lagu soo kordhiyey in dilkan ay fuliyaan rag xariif ku ah oo marka qofka uu qorigu xagga dambe ka soo galo ay tahay in uu ka baydho wadnaha, sambabada iyo xubnaha kale ee nolosha muhiimka u ah si aanu dhaqso ugu dhiman, dalaka Afrika laga isticmaalay waxaa ka mid ah Masar, Koonfur Afrika, gaar ahaan qabiilka Zulu, Qaaradda Eeshiyana waxaa ka mid ahaa Japan oo illaa dagaalkii labaad ee adduunka ku dili jirtay maxaabiista. 

Qafaska:

2

Haddii qofka la dilayaa buuran yahay qafis bir ah oo cidhiidhiya ayaa qasab lagu gelin jiray, haddii uu dhuuban yahayna qafis ballaadhan, kadib waxaa la dhigi jiray qorraxda iyada oo loo bannaynayo meel shimbiruhuna ka soo geli karaan shimbiraha iyo cayayaanku si ay u cunaan.

Milix ku dil:

Habkanina waa in qofka la dilao lagu rido god weyn oo milix aad loo qooyey ka buuxdo, kadibna dusha sare lagaga soo shubo biyo qabow. Waxa uu habkani keenayaa in ay bararaan ama burooyinka oo kale noqdaan unugyadu, taasina ay qofka ku keento dhimasho degdeg ah.