Muhiimadda Beerku U Leeyahay Jidhka Iyo Sida Ugu Fiiican Ee Loo Ilaalin Karo Caafimaadkiisa

0
586

London (Geeska)- Beerku waxa uu ka mid yahay, xubnaha ugu muhiimsan nolosha noolaha oo dhan, waxa uu qabtaa shaqooyin dhammaantood lagama maarmaan ah oo khubaradu ku sheegeen illaa 500 oo shaqo, halka qarkoodna ay kumannaan gaadhsiiyaanba.

Shaqooyinkaas tirada badan ee beerka waxaa ka mid ah in uu burburiyo ama jidhka ka saaro suntan soo gasha, waxa uu kaalin mug leh ka qaataa shaqada hab-dhiska difaaca, gaar ahaan shiidista maaddooyinka Carbon Hydrate ka ah, Bartootiinnada iyo Dufanka, sidoo kale dufanka dheeraadka ah ayaa uu jidhka ka saaraa. Berku waxa waxa uu kaydiyaa sonkorta kadib marka uu ka beddelo Glucose ee uu u beddelo Glycogen, marka ay sonkortu ku yara yaraato dhiigga ayaanu mar kale inta uu u beddelo Glucose ku soo celiyaa, sidoo kale beerku waxa uu nidaamiyaa heerka sonkorta ee dhiigga. Waxa kale oo uu beerku jidhka u kaydiyaa Faytamiinnada A, B12 iyo K iwm, macdanno iyo xadiid kuwaas oo marka uu jidhku u baahdo uu dib ugu soo celiyo. Shaqooyinkiisa waa kale oo aynu ka xusi karnaa in dhiigga uu ka caawiyo xinjirowga si aanu dhiig bax ugu dhicin nabarrada, isu-dheellitirka iyo nidaaminta biyaha jidhka, si aanu jidhku u kaydsan biyo ka badan inta uu u baahan yahay.

Haddaba xanuunnada ku dhaca beerka oo ah noocyo aad u kala duwan ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku soo badanaya dalkeennuna, waxa aanay inta badan gaadhaan heer uu nolosha dad badan halis ku hayo. Sidaa awgeed qormadan oo Geeska Afrika uu ilo kala duwan ka soo ururiyey waxa aynu ku eegaynaa dhowr tallo oo ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay innaga caawinayaan ka hortagga beer xanuunka:

1.     Cuntooyinka: Cuntooyinka aad u cunaysaa ha noqdeen kuwo aan caafimaadka dhaawacayn, oo tusaale ahaan aanay ku jirin dufan, isla markaana ay ku badan yihiin Faytamiinnada iyo Macdanaha jidhku u baahan yahay, waxaana ugu fiican khduradaha. Iska jir cuntooyinka ay sonkortu ku badan tahay, sidoo kale ku dadaal jimicsiga.

2.     Alkoosha: Khamriga iyo guud ahaan cabbitaannada Al-koosha leh oo Islaamku xaaraantimeeyey ayaa ay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in ay si tartiib-tartiib ah beerka u burburiyaan.

3.     Sigaarka: Qiijinta sigaarka khataro badan oo caafimaad darro ah qofka ku keenta ayaa ay dhakhaatiirta caafimaadku isku raacsan yihiin in ay sidoo kalana khatar ku tahay caafimaadka beerka.

4.     Tallaal: Xanuunnada la yaqaanno ee beerka ku dhaca badankoodu waxa ay leeyihiin tallaallo kala duwan, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in qofku uu ku dadaalo in u uqaato dhammaan tallaalada lagaga hortago xanuunnada beerka ku dhaca.