Siyaabaha Ugu Habboon Ee Xabeebta Loo Daweyn Karo Iyo Digniino Muhiim U Ah Qofka Xabeebsan

0
2186

 

Berlin (Geeska)- Majaladda ka faallooda arrimaha dawada ee Pharmacies oo ka soo baxda dalka Jarnalka ayaa sheegtay in xabeebta codka ee dadka qaar isku arkaan. Gaar ahaan xilliyada hargabka, sida ugu fiican ee loo daweyn karaa ay tahay in aan sida dadka qaar yeelaan codka xanshaashaq laga dhigin. Ama aan hadalka la joojin iyo in cabbitaan badan la cabbo.

Warbixin ay majaladdu arrintan ka qortay ayaa intaas ku daraysa in sababo badan oo ay xabeebtu ku timaaddo ay ka mid tahay, barar ama balaq ku yimaadda xadhkaha codka. Taasina ay sababto in ay u lulmi kari waayaan sidii fududayd ee marka hore ay u dhaqaaqi jireen, sidaa awgeed uu codku noqdo mid ka fog halkii markii hore.

Warbixinta majaladda ‘Pharmacies’ waxa ay sheegtay in habka ugu fiican ee xaaladdan lagu daweyn karaa ay tahay in qofku uu hadalka joojiyo. Waxa aanay ka digtay in qofku uu xanshaashaqo sida ay dadka qaar yeelaan. Iyada oo sheegtay in xanshaashaqu uu dhaawacayo xadhkaha hadalka, maadaama oo oo xaaladdan ku timi awgeed ay xadhku si aan dabiici ahayn oo intii hore ka adag u giijismaan, sidaa awgeed uu hadalku ku keenayo shaqo badan in ay qabtaan.

Waxa kale oo ay warbixintu ka digtay in qofka xabeebsani uu aad ama joogto u xiixsado (Xiix yidhaahdo) isaga oo isku dayaya in uu dhuunta furo. Waxa ay xeeldheereyaasha caafimaadku caddeeyeen in xiixsiga badani uu dhaawacayo xadhkaha codka ee marka horeba dhibta tirsanayey. Laakiin xaaladdan oo kale lama diidin qufaca oo keliya in uu si dabiici ah, oo saxan u soo baxo ay soo jeedinayaan khubaradu.

Khubaradu waxa ay sheegeen in cabbitaanka badani uu u fiican yahay daweynta xabeebta, oo uu inta badan ku soo celiyo dabiici.  Waxa ay khubarada caafimaadku si gaar ah ugu taliyeen cabbitaanka shaaaha diirran, iyo cunista dawooyinka ku habboon furista dhuunta. Laakiin waxa ay aad uga digeen dawooyinka ay ku jiraan maaddooyinka ‘Menthol’ iyo ‘Eucalyptus’. Sababta ayaa ah in saliidaha udugga lihi ay engajiyaan xuubka xabka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here