Suldaan Maxamed Oo Ku Taliyay Inaan La Soo Celin Murankii Siyaasadeed

0
623

 

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ku baaqay in  aan dib loo soo celin khilaafkii Xisbiyada, ee la gaadho xal iyo heshiis kama dambays ah oo ay isku af gartaan saddexda Xisbi Qaran.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika wuxuu yidhi  “In khilaaf dambe inagu soo noqdo maaha, mana wacna, ee Saddexda Xisbi iyo Xukuumadda waxaan talo  odaytinimo ku leeyahay waxaa inoo wada dan ah heshiiskiina, ee khilaaf dambe yaanu inagu soo noqon, ee heshiis kama dambays ah gaadha, heshiiskiinuna waanu ku faraxnayna, oo dhammaan dadkeenu wey ku faraxayaan, laakiin khilaafkeena soo noqonaya dan inooma ah”.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here