” Xafiiskiisa ayaa uu igula dagaalamay hooyadayna wuu caayay intuu igu soo tuuray dhalo ayuu yidhi hoyadaa waxaas ku samee  laadna wuu igula soo orday ” Faysal

0
698

Faysal Cali Waraabe oo sheegay

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu kula dhex dagaalamay gudaha xafiiskiisa isla markaasna uu caayay 26kii bishii ina soo dhaaftay kadib markii ay shir wada jir ah la yeesheen isaga iyo guddoomiyeha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha uu waydiiyay wakhtigaas xadhiga xaghayaha xisbiga Ucid Ramaax oo markaas loo jaray waaran, guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sidan u sheegay laanta afka Soomaaliga ee BBC waxaanu isaga oo ugu horayntii ka hadlaayay inay madaxweynaha ku soo kala kaceen arimahii doorashooyinka ee shalay uu yidhi uu yidhi “ Maanta oo 13-kii ah ayaan nidhi warama  wakhtigii waa uu dhamaaday ee maxaad qabateen intii, wax alle iyo wax aanu qabanay ma jirto arintu waa ay naga balaadhatay, waxaan idiin qiraynaa in aanay gudidaasi ahayn gudi qaban karta  marka laga eego xaga tayada  iyo dhanka waaya-aragnimadaba  go’aana waanu qaadanay laakiin sharci aan ku kala dirno ma  hayno. Markaas I caawiya sidaan kuu caawinaa  ha loo tago reerahoodii, waxaan caqli gal ahayn, waxaasi ma jirtee  madaxweyne adigaa hayee  arintiiye uyeedho waxaad tidhaahdaa is casila  wax kala farsamee sidii horeba loo sameeyay, madaxweynii hore waa uu iga geesi sanaa  markaas anigu geesi ma ihi  halkaas ayuu istaagay madaxweynii. Waan ogolahay mana ogli isku dhex jirta weeye macno ahaan.”

Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Waanu isku noqonaynaa gudidiina waanu wargalinaynaa laakiin anigu Faysal ahaan iyo xisbi ahaanba waxaan leeyahay arintu intaas way ka weyntahay  dalku badbaado ayuu u baahan yahay Muuse labada sano ee uu talada hayay waxa muuqata in dalku uu hareeraha ka soo ururayo gudiina uu ka furfurmaayo, waxaan sharci ahayn cidina aqbali mayso qofna inuu sharciga gacantiisa ku qaato maaha, markaas waxaan jeclahay anigu markay xisbiyadu isku yimaadaan iyo odayaashu inaan u soo jeediyo shir badbaado qaran ah in la sameeyo, kadib 28 sanadood inay Somaliland burburto ma doonayo oo wax aan qiimo laayn ay ku burburto oo qof awgii ay ku burburto oo madaxweynaha ay ku burburto.”

Waxa waxa lagaa waydiiyay arinta xoghaye Ramaax oo shalay la sii daayay waxaanu yidhi  “Habeen hore ayaan ka wada hadalnay madaxweynaha oo aan ku idhi ninkan maxaad u haysataa  intaas ayaa lays dhaliilayay markaan idhi soo daa waxa uu yidhi waa seedigay ee ii dhaaf, arimaha seedigay ha soo dhex galin, waxaan ku idhi waar waa xoghayahaygii  waxa uu igu yidhi waxyaabahaasi waa waxyaabaha aynu isku haysano ee ii dhaaf seedigay, markhaati bay leedahay.”

Waxa uu Guddoomiye Faysal sheegay in madaxweyne Biixi uu caayay isla markaasna uu la dagaalmay iyaga oo xafiiskiisa jooga 26 December 2019, waxaanu isagoo la weydiiyay dacwada maxkamadda la geeyay balse hadda qabowday, uu yidhi  “  Aniga imay soo gaadhin dacwadaasi ee laakiin wax ka xun ayuu igu sameeyay oo madaxweynuhu waa uu ila dagaalamay 27 bisha waan qarinaynay dalka dantiisa ayaan ilaalinaayay  lama maqlin, xafiiskiisa ayaa uu igula dagaalamay hooyadayna wuu caayay intuu igu soo tuuray dhalo ayuu yidhi hoyadaa waxaas ku samee  laadna wuu igula soo orday  laakiin waxa la yidhi yaan la sheegi n laakiin hadda waanu sheegaynaa, arintaas waxa keenay Ramaax  oo waxa aan ku idhi Ramaax waaran ayaa loo soo jaray waxa uu yidhi waa sharci, waxaan ku idhi sharci maaha haddii ay noqotay sidaasi anaguna waa inaan is daafacnaa.”

Ugu danbayntii mar wax laga waydiiyay talaabada ay qaadi doonaan waxa uu yidhi“ Madaxweynuu ma doonayo in la dhaliilo iyo in la’la taliyo iyi in la’la shaqeeyo   iyo in wax laga sheego ma ogola, madaxweynaha  xaajadiisu waa aan is dilno anaguna ma doonayno in dalka mar danbe uu dagaal sokeeye ka dhaco maanta inaan noqdo hoggaamiye kooxeed  uma diyaar ihi,  markaas talo ayaan isugu noqonaynaa reer Somaliland oo dhan ayay taladu taagan tahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here