Qaahira (Geeska)- Siti Mulki waxa ay dhalatay sannadkii 970 kii Miilaadiga, waxa ay walaalo ay iyadu weyn tahay ahaayeen Amiirkii lagu magacaabi jiray Al-Xaakim Bi’Amrillaah oo ahaa Khaliifkii lixaad ee dawladdii Faadumiyiinta.
Siti Mulki waxa ay khaliif ka noqotay dawladdan Faadumiyiinta saddex sano oo u dhexeeyey 1021 illaa 1023 miilaadiga.
Siti Mulki aabaheed waxa uu ahaa Al-Casiis Billaahi oo ahaa khaliifkii dawladda Faadumiyiinta ee intii u dhexeysay 975 illaa 996. Markii uu dhintay aabaheed waxaa xukunkii dawladda oo fadhigeedu ahaa dhulka Masar dhaxlay walaalkeed oo ay ka weyn tahay, laakiin arrintaas kuma ay qancin oo waxa ay u arkaysay in ay iyadu xukunka ku xaq leedahay maadaama oo ay ka weyn tahay walaalkeed, sidaa awgeed waxa ay bilowday halgan ay xukunka kaga ridayso walaalkeed iyada oo gacan ka helaysay qof qoyska ka mid ahaa iyo janaraal ciidamada ka tirsanaa oo qarsoodi ugala shaqaynayey ridista boqorka.
Sitti Al-Mulk oo lagu tilmaamo gabadh aad u qurux badnayd isla markaana maskax badnayd waxa ay aad u jeclayd aabaheed oo ay ka heli jirtay dhiirrigelin badan, isla markaana kala tashan jiray arrimaha muhiimka ah ee siyaasadda, waana sababta ay u xiisaysay in ay xukunka qabato aabaheed dabadii.
Walaalkeed Al-Xaakim oo dareemay in walaashii dagaal hoose ugu jirto xukunka isla markaana ku xidhantay nin lagu magacaabi jiray Ibnu Dawsi oo ka mid ahaa hoggaanka ciidamada ayaa waxa uu ku eedeeyey in ay xidhiidh jacayl la yeelatay rag ka mid ah janaraalladiisa ciidamada, si ay u ceebowdo dadkuna aanay ula yaabin tallaabada uu ka qaado, kadib xabsiga ayaa uu u taxaabay.
Al-Xaakim Bi Amrillaah muddadii uu xilka hayey waxa uu soo saaray go’aamo badan oo loo arkayey in ay taxaddar la’aan ku yimaaddeen, waxa aanay sabab u noqdeen in khikaaf badan oo gudaha ahi ka dhex abuurmo dawladda iyo dadkii ay u talinaysay, iyo sida oo kale xidhiidhadii ay dawladdu la’ lahayd dunida kale. Tusaale ahaan go’aamada muranka dhaliyey ee uu qaatay waxaa ka mid ahaa go’aankii uu saacadaha shaqada u beddelay habeenkii halkii ay marka hore sida caadiga ah maalintii ka ahaayeen, waxa aanu dadkii ku qasbay in ay habeenkii shaqeeyaan. Waxa kale oo ka mid ahaa go’aamo uu dadka qaar kaga mamnuucay cunista noocyo ka mid ah cuntooyinka, go’aamadan iyo kuwo la mid ah oo sababay in maamulkiisa iyo shacabku isku dhacaan, sida oo kalana walaashii ku kala fogaadaan.
Siti Mulki waxa ay ka mid ahayd dadka sida aadka ah u diidanaa habmaamulka walaalkeed shacabkana la qabtay cadhada ay kaga soo horjeedaan go’aamadiisan xilkasnimo darradu ku jirto, waxa ay si gaar ah ugu dhibirsanayd oo ay la jiri jirtay dadka haysta diimaha kale ee aan Islaamka ahayn oo ahaa kuwa ugu badan ee go’aamadani boqorka ka cabanayey.
Khaliifka Al-Xaakim waxaa caado u ahayd in uu habeen kasta dhex lugeeyo magaalada oo indho indheeyo xaaladaha, habeen habeennada ka mid ah oo ahayd sannadkii 1021-kii ayaa si kedis ah loo waayey meel uu jaan iyo cidhib dhigay Khaliifkii oo socodkii habeennimo ku jiray. Dhawr maalmood markii la raadinayeyna waxaa la helay maydkiisa oo aan la garanayn cidda dishay, in kasta oo aad loo aaminsanaa in Marwo Siti Mulki iyo janaraalkii Ibnu Daws ay isu kaashadeen.
Siti Mulki maadaama oo ay ogeyd in aan iyada sharci ahaan iyo dhaqan ahaan loo ogolaan doonin in ay xukunka qabato walaalkeed kadib, waxa ay ciidamadii iyo dadkii dawladda ugu awoodda badnaa ku qancisay in xukunka la dhaxalsiiyo wiil uu dhalay Khaliifka dhintay oo markaas aad u da’ yaraa, waxa ay ujeedadeedu ahayd in ay iyadu ku shaqaysato magaciisa oo ay noqoto Khaliifka dadban ee dawladda hoggaamiya.
Siti Mulki isla markii ay xukunka isku hubsatay waxa ay qabatay Ibnu Daws oo ah ninkii halgankii mucaaradnimada muddada dheer kula soo jiray, isla markaana la aaminsan yahay in uu ka caawiyey dilka boqorka, waxa aanay ku eedaysay in isagu uu dilay walaalkeedii boqorka ahaa, sidii ayaanay ku dishay Ibnu Daws. Dilka janaraalkani waxa uu Siti Mulki u fududeeyey in ay soo dhisto dawlad cusub oo ragga u sarreeyaa ay yihiin kuwo daacad u ah in ay hoggaamiso.
Muddo laba sano ah ayaa ay hoggaaminaysay dawladdii Faadumiyiinta, laakiin ay ku hoggaaminaysay magaca wiilka ay eedada u tahay oo ay magaciisa ku soo saari jirtay xeerarka iyo go’aamada dawladda ee ay iyadu qorto, isla markaana khudbadaha ay jeedinayso isaga ku saxeexi jirtay iyada oo isu dhigaysa in uu u wakiishay jeedintooda maadaama oo u ulme aad u yar ahaa. Waxa ay is jeclaysiisay dadkii, waxa ay laashay inta badan sharciyadii laga cabanayey ee walaalkeed, waxa aanay abuurtay xasilooni siyaasi ah oo gudaha iyo dibadda dawladdaba laga dareemay. Dhianca kalana waxa ay gumaadday oo ay buuraha Lubnaan u caydhisay dadkii aaminsanaa Mad-habta Duruusta loo yaqaanno oo illaa maanta ka jirta dhulkaas, iyada oo sababta ay u dilaysay ahayd aaminsanaantii ay dadka mad-habtani aaminsanaayeen in walaalkeed Al-Xaakim uu Ilaah ahaa.
Siti Al-Mulki laba sano oo ay xukunka sidaa dadban u haysay kadib waxa ay geeriyootay sannadkii 1023 iyada oo markaas 52 sano jir ahayd.
xeeladaha ay Siti Mulki u martay khaarajinta walaalkeed iyo sida deggen ee ay xukunkii ugu wareejisay wiilkiisa, dadkiina tustay in uu wiilku ka duwan yahay aabihii, waxa ay noqotay arrin aad u xiise badan oo xitaa taariikhdan dambe mutaysatay in lagu daro arrimaha muhiimka ah dhinaca barashada hoggaaminta, cilmibaadhiso laga sameeyeyna waxaa faafisay jaamacadda caanka ah ee Oxford.